Nin Afar Qof Toorray Ku Dilay Koonfurta Dalka Israel
March 23, 2022 - Written by admin
Sida ay ku waramayso warbaahinta maxaliga ahi ninka weerarka soo qaaday waa Carabta Israel, laakiin ilaa haatan warbaahin kale may sheegin arintaas.
Weerarkan ayaa noqnaya kii tirada ugu badan ee dadka ah lagu wax yeeleeyo mido sannado ah ee ka dhaca Israel.
Muuqaalo laga qaaday goobta weerarku ka dhacay ayaa muujinaya nin gadh leh oo wadada hormarta goobta weerarku ka dhacay taagan oo sita wax la moodo midi weyn.
Muuqaal kale ayaa isna muujinaya isla ninkaas oo nin kale oo quri sitaa rasaas ku ridayo ka dib markii uu midida ku weeraray.
Dad dhawr ah oo qaarkood xaaladoodu ba’an tahay sida wararku tibaaxayaan ayaa la geeyey isbitaallada.
Waa dhacdadii saddexaad ee weerar midi loo adeegsanayo ee ka dhaca Israel tan iyo maalintii Sabtidii.
Warar laga helay booliska ayaa tibaaxaya in ninka weerarka qaaday uu haweenay ku tooriyeeyey kaalin shidaal, ka dibna baabuurkeedii u kaxaystay dhanka goobtaa laga tukaamaysto oo uu jiidhay nin baaskiil watay intii uu ku sii socday goobta suuqa ah halkaas oo uu dhawr qof oo kale mididii la dhex qaaday intaan isagna la toogan.
Wararka ay warbaahinta maxaliga ahi baahinayso ayaa tibaaxaya in ninkaa weerarka qaaday uu ka soo jeedo tuulada Xuura oo 19 KM dhanka bari ka xigta magaalada Bi’ir Sabca.
Wararku waxay sidoo kale intaa ku dareen in ninka weerarka qaaday uu mudo u xidhnaa arimo la xidhiidha nabadgelyo darrada oo uu ahaa qof ay marka horeba garanayeen ciidmada nabadgelyadu inuu taageero ururka Dawladda Islaamka