berberatoday.com
Wararkii Udambeeyay Dagalka Ruushka Iyo Yugreyn Oo Maalintii 27aad Galay
March 23, 2022 - Written by admin
Dagaalka Ukraine wuxuu galay maalintii 27-aad, wuxuu ka socda dhawr jiho oo ka mid ah dalka, gaar ahaan dhanka bariga iyo koonfurta oo ciidamada Ruushku iskugu geeyeen awooddooda.
Magaalada Moriupol ayaa ah halka ugu daran ee dagaalku ka socda iyadoo ciidamada Raashiya ku hayaan duqeyntii ugu ba’anayd, dawlada Ukraine waxay sheegaysaa in 100 kun oo qof ay ku go’doonsan yihiin magaalada, ma haystaan biyo, cunto iyo koronto.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegayaa in inkastoo ay xaalado ku sugan tahay magaalada Mariupol hadana in ka badan 7 kun oo qof ayaa Talaadadii laga soos aaray magaalada.
Afhayeenka madaxweyne Putin, oo lagu magacaab Dmitry Peskov, oo wareysi siiyey telefishinka CNN wuxuu diidday inuu meesha ka saaro in Ruushku isticmaalayo hubka nukliyeerka, wuxuu sheegay in haddii ay dareemaan qatar dibedda ah ay taasi dhici karto.
Mareykanku wuxuu cambaareeyey hadalka Ruushka iyagoo ku sifeeyey masuuliyad daro, waxaana ay sheegeen in aanay in sidaasi uu u hadlo wadan haysta awoodda nukliyeerka.
Waaxda gaashaandhiga Mareykanka the Pentagon waxay kaloo sheegaysaa in ciidamada Ukraine ay guulo gaarayaan ayna dib uga qabsanayaan ciidamada Raashiya dhul, gaar ahaan dhanka koonfureed ee wadanka.
Sirdoonka reer Galbeedku waxay leeyihiin ciidamada Ruushka waxaa ka go’aya sahayda, waxay kaloo xuseen in ciidamada Ruushka ee ka dagaalamayey dhanka waqooyiga ay hadda u jihaysteen dhanka bariga oo dagaalo xooggan ka socdaan, waa magaalooyinka Mariupol iyo Kharkiv.
Shiinuhu wuxuu si adag u diiday hindisaha ku aadan in Ruushka laga saaro dalalka G20 waxay sheegeen in aanu jirin dal dal kale ka saari kara golaha.
Duqa magaalada Chernihiv ee dhacda waqooyiga wuxuu xaqiijiyey in maalin kasta 40 qof ay aasaan sidii dagaalku u bilowday, wuxuu ku eedeeyey ciidamada Ruushka inay si ula kac ah u beegsanayaan Iskuulada, Isbitaalad aiyo goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah. Warkan si madaxbannaan looma xaqiijin.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, oo shir jaraa’id ku qabtay New York wuxuu Raashiya u sheegay in dagaalka Ukraine cid ku guulaysanaysa aana jirin, loona baahan yahay in nabad lagu beddelo.
Mareykanku waxay ku dhawaaqi doonaan cunaqabatayn la saari doono 300 oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Ruushka.Waa talaabo kale oo Washington culays ku saarayso Moscow.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews