berberatoday.com
Alle Ha Unaxariisto Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi Mulkiilihii Maansoor Hutels Oo Geeriyooday Iyo Axmed Siciid Cige Oo Taariikhdiisa Kawaramay
March 25, 2022 - Written by admin
Alle Ha Unaxariisto Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi Mulkiilihii Maansoor Hutels Oo Geeriyooday Iyo Axmed Siciid Cige Oo Taariikhdiisa Kawaramay”
Taariikhda Eng ; Cabdilqaadir Xaashi Cilmi
Qore ;
Axmed Saciid Cige
Ilaahay ha u naxariisto Eng ; Cabdilqaadir Xaashi Cimi mulkiilihii Maansoor Hotels oo maanta 25march2022 ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka india sida uu ii xaqiijiyay wiilkiisa Saciid Cabdilqaadir Xaashi cilmi , taariikhdiisii oo kooban oo cabdilqaadir laftiisa intii uu noolaa aan ka qoray HOOS KA AKHRISTA .
Eng; Cabdilqaadir Xaashi Cilmi wuxuu ii sheegay inuu ku dhashay deegaanka jigjiga ee Ethiopia sanadkii 1939 , isagoo waxbarashadiisii hoose ku qaatay magaalada hargeysa , kadibna galay dugsigii Dhexe ee caanka ahaa ee hargeydsa ee la odhan jiray “Trade School” . wuxuu markaa kadib sanadkii 1957 uu waxbarasho u tegay magaalada Cadan oo uu galay Dugsiga farsamada gacanta ee magaalada cadan ee dalka yemen , markii uu soo dhamaysteyna wuxuu ii sheegay cabdilqaadir xaashi inuu u shaqeeyay sharikadii batroolka ee ingiriiska ee BP la odhan jiray iyagoo ugu diray deeq waxbarasho iyo shaqoba dalka Britain 1962 .
Cabdilqaadir Xaashi Cilmi wuxuu ii sheegay in markaa kadib haddana waxbarasho dhinaca farsamada makaanikada u galay “Neath Engineering College” ee dalka ingiriiska , isagoo isla markaana ka shaqeynaayay wershedii sifeynta batroolka ee magaaladaasi Neath . wuxuu ii sheegay cabdilqaadir Xaashi inuu ku soo noqday magaaladii Cadan oo uu ka shaqeeyay wersheddii sifeynta Batroolka ee Cadan ku taallay ee ay lahayd sharikadda BP , taasoo uu joogay ilaa iyo 1968 oo uu tegay dalka Kuwait . wuxuu ka hawlgalay sharikadda batroolka ee dowladda Kuwait “KNPC” ilaa iyo sanadkii 2005 oo uu ku soo noqday dalkiisa Somaliland , oo uu maamule guud ka ahaa hoteeladiisa “Moonsoor Hotels” .
Eng; Cabdilqaadir Xaashi Cilmi oo loo yaqaanno Cabdilqaadir maansoor wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka dhowr jeer aan ka wareystay ganacsiga hoteellada maadaama uu yahay qofkii ugu horeeyay ee hotel casri ah ka dhisay magaalada hargeysa , waa Hotel Maansoor .
Cabdilqaadir xaashi Cilmi wuxuu ii sheegay in hotel maansoor fikradiisu ku dhalatay kadib markii uu arkay baahida Caasimada hargeysa u qabtay meel wufuuda iyo dadka martida ahi ku soo degaan oo bilowgii sagaashanaadkii aanay jirin markii gooni isutaaga Somaliland lagu dhawaaqay 1991 .
Waxaa xilligaasi jirtay marka wafdi ajenebi ahi ama qaramada midoobay ku yimaadaan hargeysa diyaarad in haddana ay dib ugu duuli jireen jabuuti oo u hurda doonan jireen , maadaama aanu hargeysa ka jirin hotel la degaa oo wax waliba ku burbureen dagaaladii 1988 ay ciidamadii somaliya ku duqeeyeen xaafadaha magaalada oo dhan .
Cabdilqaadir Xaashi cilmi wuxuu ii sheegay in bilowgii uu iibsaday dhulka haatan hotel maansoor ka dhisanyahay 6.12.1992 , iyadoo buu yidhi dhismaha ay rasmi u bilaabeen 31.1.1994 . waxaa Hotel Maansoor rasmi loogu furay 1995 ilaa 12 qol iyo hool shirarka ah , markaasi oo wufuudii iyo dadkii ajenebiga ahaa ay heleen meel ay ku soo degaan oo shaqaadoodi ka wataan mudada ay joogaan Somaliland siiba hargeysa , waxaana loo bixiyay ASTURE .
si tartiib tartiib ah ayuu u ballaadhanaaya Hotel Maansoor sanadihii ka danbeeyay ilaa uu soo gaadhay heerka uu hadda joogo oo dhowr dabaq ka koobanyahay , guryo gaar ah oo fillooyin ah , meelihii cutada iyo cabitaanka , iyo hoolalka shirarka ee ugu waaweyn magaalada hargeysa . waxaana muddo ka dib uu cabdilqaadir maansoor uu ka dhisay xeebta berbera hotel maansor , kadibna magaalada burco .
Eng; Cabdilqaadir Maansoor waxaa kaloo uu ka qayb qaatay mashaariicda iskaa wax u qabso sida wadooyinka , ceelasha , gargaarka agoomaha iyo dadka jilicsan .
Maydka marxuumka waxaa la keeni doonaa magaalada hargeysa oo lagu aasi doonaa sida uu ii sheegay wiilkiisa saciid Cabdilqaadir Xaashi Cilmi goor dhoweyd .
Axmed Saciid cige
Hargeysa ,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews