berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxabanaan Ee Somaliland Oo Cambaaraysay Xadhig Iyo Jidh Dil Lagula Kacay Jamaal Gobonimo
March 27, 2022 - Written by admin

Warsaxaafadeed                                             20/03/ 2022 

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaaraynaysa xadhiga  iyo jidhdilka lagula kacay suxafiyiinta.

 

Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, waxay cambaaraynaysa xadhiga iyo jidhdilka loo gaystey suxufiyiinta.

06/02/2022, waxay ciidamada sirdoonka Somaliland xidheen Jamaal Ibraahim Maxamed, oo ah suxufi madax bannaan, xadhigiisa ayaa yimid kadib marki uu bartiisa Facebook ku soo qoray in Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somalialnd, Abdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) Uu is casilayo, urur cusubna furanayo. marka waa lasii daayay waxaana dib loo xidhay 08/02/2022, xadhigiisa looma marin wado sharci, ilaa hadana waxa uu ku xidhan yahay xarunta denbi baadhista ee CID mana jiro wax denbi ah oo lagu soo oogey.

Sidoo kale waxa isna 12/03/2022, ciidamada sirdoonku qabteen Axmedqani Jaamac Xirsi Tulux, oo ah suxufi ka tirsan Start TV, iyadoo muddo laba cisho ah lagu hayey meel aan lageranayn. 14/03/2022, ayaa dib loogu soo xidhay xarunta CID, walina maxkamedd lama horgeyn, denbina laguma soo oogin.

Axmedqani waxa laxidhay kadib markii uu bartiisa Facebook ku soo qorey qoraal uu kaga hadlayey arrimaha sixir bararka iyo abaaraha wadanka ka jira.

 

Xadhiga Jamaal iyo Axmedqani waxa uu lidi ku yahay Dastuurka Jamuuriyad Somaliland iyo xeerar ka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Qodobka 32 (1) ee dastuuka Somaliland waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah ama qaabkale

Sidoo kale Dastuurka Somaliland qodobka 27(4) waxa uu dhigaya “waxa reeban in qofka lagu xidho meel aan xeerku banneyn”.

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale dhigaya in aan qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaadi karin. Sida ku cad qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bannayn”

Dhanka kale waxa Jidhdil loo gaystay laba weriye oo kale ah Cabdisalaan Maxamed Jaamac (Chermany) Iyo Calimahdi Jibriil Hasan Shiikh, iyagoo laga  qaatey Laabtob iyo talafoon sidoo kalena khasaare la soo gaadhsiiyey gaadhigi ay wateen, sida ay weriyayaashaasi warbaahinta la wadaageen.

Arintani waxay xadgudub weyn ku tahay dastuurka iyo xeerarka dalka, Dastuurka Jamuuriyada Somaliland qodobkisa 24 (2) (3 ) waxa uu sheegaya“ qofku waxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa;  in waxyeelo loo geystaana way reeban tahay.”

“ Qof kasta waxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo, sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed”.

Xaruntu waxay walaac weyn ka qabta arimaha soo noqnoqaya ee laxidhiidha cabashada dadweynuhu ka cabanayaan Ciidamada Sirdoonka Qaranka Somaliland iyo xadhiga lagula kaco dadka aragtiyahooda cabira.

Ugu danbayn xarunta xuquuqal insaanku waxay ku baaqaysa in xoriyadooda loo soo celiyo suxufiyiinta xidhan iyo in sidoo kale sharciga la horkeeno cidii jidhdil ka u gaysatay labada suxufi ee kale lana xaqdhowro xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniintaas.

 

Yaasmiin Cumar  Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana

 

 

 

Press release:                                                                       20/3/2022

 

HRC’s opinion on escalating harassment, abuse, and persecution of journalists

 

The Human Rights Center recognizes that critics of the Somaliland government, officials and institutions are at risk of harassment, abuse, and persecution. Recurring arrests and abuse aimed at journalists and critics aims to disrupt the political processes in Somaliland.

Authorities in Somaliland have used underhanded methods to detain critics and journalists alike. While we appreciate the due diligence of the government to safeguard our safety and security, the methods applied are contradictory to the constitution and rule of law of the country. Freedom of expression is a fundamental aspect to democratic processes of a country, thus the increase in attacks on journalists’ safety damages the foundation of which Somaliland considers itself as a democratic beacon of the horn, showcasing a lack of regard for the civil and political rights of citizens in Somaliland and the protection of human rights.

As reported to the Human Rights Center, two journalists were physically assaulted by individuals from the Somaliland Intelligence Agency. Abdisalan Mohammed Jama (Germany) and Ali-Mahdi Jibreel Hassan Sheik were accosted, harassed, and deprived of their personal belongings, including personal laptop, mobile, and had their vehicle windows broken and damaged. These details were shared publicly by the journalists involved. Their arrests are contrary to the codes of conduct used as guidelines by police forces Somaliland.

 These arrests and subsequent unlawful criminal procedures make a farce of Somaliland constitution which explicitly guarantees the right to freedom of expression and proper civil rights procedures as stipulated by Article 24 subsection 2 and 3, Article 25, subsection 2, Article 26 subsection 2, Article 27 subsections 1,2,3,4,5 and 6, and Article 32 subsections 1 and 3, stipulating that one can not have their personal dignity infringed upon.

The Human Rights Center condemns the harassment and abuse of the journalists, which is a continued attack on free press and infringement of fundamental rights and spaces.  Human Rights Center urges the agencies involved to stop the intimidation of journalists and use common sense when detaining citizens appropriately. Human Rights Center also requests the immediate release of Jamal Ibrahim Mohamed and Ahmed Qani Jama Hersi Tuluh. They have no charges against them, nor have they been brought forth in front of a judge.

Yasmin Omar Haji Mohamoud

The Chairperson of Human Rights Centre

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews