Wasiirkii Gaadiidka Iyo Wadooyinka Somaliland Cabdirisaaq Ataash Oo Xilkii Iskacasilay Iyo Sababta
March 30, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu Xukuumadda ka hayay,Waxaanu Iscasilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Somaliland ee SONLA, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa La sheegay inuu ka aqbalay is casilaaddiisa Wasiir Cabdirisaaq Ataash.
Wasiir Ataash ayaa la filayaa inuu maalinta Beriya ku dhawaaqi doono urur siyaasaddeed cusub.
Berberatoday.com