Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah u bogaadiyey ardayda da’ada yar ee ku guulaysatay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxana u duceeyey macallimiintooda iyo waalidiinta ku tacabtay oo uu u rajeeyey guul waarta oo If iyo Aakhiroba ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa farriin dhiirrigelin ah u diray cid kasta oo ku hawllan barashada Qur’aanka kariimka ah, kuna dhaqmaysa, waxana uu yidhi, “Waxannu dhiirrigelinaynayaa cid kasta oo Qur’aanka baranayna oo fahmaysa micnihiisa, ku dhaqmaysa oo aan si qalad ah u turjumaynin, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu Diinteenna inagu sugo.”
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas abaalmarihii ay mutaysteen ku guddoonsiiyey Afarta arday ee tartanka heer gobol ee bisha barakaysan ee Ramadaan ku guulaystay, isaga oo sidoo kalena shahaado lagu sharfayo guddoonsiiyey culimadii garsooreyaasha ka ahayd tartanka.