berberatoday.com
Mawduuc Radiyow Hargeysa, 24/7. Waxa Qoray Cumar Qiyaas
April 12, 2022 - Written by admin
Mawduuc Radiyow Hargeysa, 24/7.
Xalay, Ruuxdayadu waxay wada joogtey,
Abdirizaq Alpha, khadar lane , Foodcade
iyo Aniga.
Raadiyowgii daaqada fadhiga hoose yaaley.
ayaan daarey, yaa-salaam, waa ba,+++++++
Musigii, ( dirin- diri-ririn- dirin diri-ririn-) aya
noo soo galay anagoo miiska afurka fadhina.
Aleyle ruuxii soonka afurkiisii wuu noo laa. Waayo-waayo iyo beri- samaad.
Markaanu Afurkii dhameysaney waxa noo soo galey Barnaamijkii ( Daa-bad). ee (maxamed
Maxamed Cumar Huryo), Alle ha u naxariisto oo faraskiisii fuushan , cawyskaas akhriste waa noo dhameys tirnaa.
Aniga iyo Asxaabtey( Alpha,khadar, food cade) Farxadu waxay noo dhameys tirmi lahyd,
( Raadiyow Hargeysa) 24/7, shaqeya,
hirkiisa la gaadhsiiyo, Taanzaniya, Ugaandha ,Ethiopia, Suudaan., iyo Beriga dhexa.
Ambassador Bashiir Good,Mareykanka Ku dhageyso.
Ibrahim ceydiid ( Australia) uu ku dhageyso,
aniga iyo khadar lane, (Yurub ) nagu soo gaadhaa.
Dadweynaha Jumhuuriyada Barakeysan ee reer Somaliland oo dhana u adeega.
Bal hada ogow riyadaasi wey dhaboobiye,
(Science fictions ) badan beynu u soo joogney oo dhab noqdey.
Waxay ku siman tahay xukuumada oo higsigeedu halkaas gaadho,Lana kaashata,
Xafiiska Taiwan ee aqoonta teknoolagiyada
leh, oo inaga gargaarta farsamada.
Maalinta taas la helo,cadow iyo neceb, gudo iyo dibadaba waynu kaga adkaaney, nabuduna wey sugnaatey,mashaariic badani wey fashilmi doonaan.
Intaan Suugaan dhageystey( Gabey Iyo Hees) ama akhriye, Abwaan keliya ayaan arkey oo ( jimicsiga garaadka ama riyadiisa (science fictions), Hees ku suntey ,muddo ka bacdina la gaadhey malahiisii oo dhaboobey.
Abwaan( Xasan Qawdhan) wuxuu yidhi.++++
( Maqanaha joogaan ahee) .
Akhriste waxaynu aragna Internetka iyo inta la wareewgta,( Facebook,whatsup,zoom,) Iyo
kuwo kale , in iyaga oo maqan hadana ina la joogaan..
Akhriste I xasuuso ama Ila wadaag hadaad hayso Hees amaba gabay riyadaas leh.
Akhriste,haweenku iyagaa raga ka caqli badan
ama (gabadhu iyadaa wiilka), ka garaad fiican.
Rag baa isku daya, in ay haweenka hoos u dhigaan ama (yasaan ) ooy ka dhigaan wax liita , xaqiiqduse wey ka gadisan tahay malahaas.
U fiirso, marka gabadh iyo wiil kulmaan ee sheeko dhex maro, wiilka , isaga hamigiisa oo dhami caawa ma dhaaf siisna.
Gabadhuse sheekadeeda waxay ka damacsan tahay waa mustaqbal.
Gabadha arigtideeda oo dhami waa mustaqbal,
(Guri-dhis, Ubad-dhal Iyo dhaqis reer)
Bal ogow oo bulsho, ama wadan, reerkaas buu ka bilaabmey.
Abwaan( Xasan Ganey) ayaa aragtidan,(hees)
ku suntey, hase yeeshee bulshadu, madadaalo mooyee may dhugan xikmada uu rabey in dadweynahiisi uu fahmsiiyo.
Garaadka wanaagsan dugsi lagama soo wada qaato ee waxa jira, hibooyin,Alle bixiyo sida aynu ku aragney rag ama Dumar badan oo garaad wacan Alle siiyey oo aragtiyo badan dadweynaha la wadaaga.
Wuxuu yidhi, Abwaanku++++++++++++
( Wiilku) , jacaylka waan kula habeyn lahaa,hawl kuguma dhaafeen adigo haraad qaba hurdo kaama seexdeen.
(Gabadhu), habeen kaliya caashaqu ma hirgalo,haye kuma fulaayee hada garo,
Meel aan loo hubin oon horseed wadin looma haadsho wey hawiran taa.
Hoobeeyooy haki caashaq yuu habaabine.
Muwaadin inta Haweenka laga reebaayo dawladeena, Dal dhiskeena. Mustaqbal waa Naafo ee bal ogow.
Muwaadin aqoontu ,keydka dhaqanka ay ku jirtaa oo cilmiha oo dhan yaalaa.
نحن قوم اد سرنا يسىرون خلفنا
واد اومنا او قفوا
Waxaan xukuumada ka codsan lahaa Radiyow
Hargeysa,in laga shaaqeydiiyo.
Kulan dambe
Qalinkii Ruuxiga ah.
Omar Qiyas

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews