berberatoday.com
“Dhacdadii Shaley Ee Jeelka Hargeysa Iyo Muuqaaladii & Tiraabihii Ay Ka Midka Ahaayeen Israsaasayn Baa ka Socota Jeelka Gudihiisa,Hubbaa Lala Galey Jeelka,Waxay Ahayd Gaf Iyo Khalad Ka Dhacay Saxafiyiinta”Xil. Ku Cadeeye.
April 15, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)–Xildhibaan Sheikh Axmed Dayib (Ku Cadeeye) Oo katirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay Dhacdadii shalay jeelka hargaysa iyo wariyayaashii lagu xidh xidhay falkaasi isagoo soo bandhigay qodobada dastuuriga ee qeexaya xoriyatulka hadalka saxaafada Somaliland iyo muwaadiniinta.
Sidoo kale xildhibaan sheikh axmed dayib (ku cadeeye) ayaa soo bandhigay qodobada xadidayay ee saxaafada iyo muwaadiniintu aanay dhaafi Karin iyo goobaha ka reeban in la baahiyo xogtooda.
Dhanka kale xildhibaan ku cadeeyey ayaa suxufiyiintii shalay lagu xidh xidhay dhacdadii jeelka usoo jeediyay in ay raali galin ka bixiyay wararka ay baahiyeen oo uu sheegay In ay ka hor imanayaan qawaaniinta dalka halka uu xukuumadana ugu baaqay in ay xoriyadooda usoo celiyaan suxufiyiinta islamarkaana ay joojiso galida xarumaha warbaahinta madaxa banana oo aan iyagu galin wax danbi ah
Xildhibaan ayaa arimahani kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;
GAAL DIL GARTIISANA SII.
Xorriyadda saxafadda iyo Warbaahinta waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, lamana cabudhin karo, sida ku cad qodobka 32AAD ee Dastuurka JSL farqraddiisa 3AAD oo u dhigan “ SAXAAFADDA IYO WARBAAHINTA KALE WAXAY KA MID YIHIIN XORRIYAADKA ASAASIGA AH EE RA’YI-DHIIBASHADA, WAXAYNA LEEYIHIIN MADAXBANNAANIDOODA; WAY REEBBAN TAHAY TALLAABO KASTA OO LAGU CABUDHINAYO”.
Sidoo kale Xorriyadda hadalka iyo ra’yi dhiibashada Muwaadin kasta (siyaasi iyo mid aan siyaasi ahaynba) waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka JSL sida ku qeexan Dastuurka qodobkiisa 32AAD Faqraddiisa 1AAD oo u dhigan: “ MUWAADIN KASTA WAXA UU XOR U YAHAY IN UU RA’YIGIISA KU BANDHIGO QORAAL, HADAL, MUUQAAL, SUUGAAN AMA QAAB KALE OO XEERKA WAAFAQSAN”.
Haddaba su’aashu waxay tahay Xorriyadda Saxaafadda iyo Muwaadinka ee Dastuurku
aqoonsaday maleedahay xad ama bardhammaad aan la dhaafi karin? Jawaabtu waa haa; waxay leedahay xad iyo Shardi lama dhaafaan ah kaas oo ah in ayna taaban kana hor iman:
1) Anshaxa guud ee ummadda Somaliland ee Shareecada iyo Xeerarku qeexeen.
2) Xasiloonida dalka Jamhuuriyadda. Somaliland iyo karaamadiisa.
3) Xuquuqda Muwaadinka kale ee Shareecada iyo Dastuurkuba dammaana qaadeen.
Sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 25AAD, Faqraddiisa 4AAD oo u dhigan sidan: “ DHAMMAAN XORRIYAADKA QOFKA WAXA SHARDI AH IN AYNA KA HOR IMAN XEERARKA ANSHAXA GUUD,XASILOONIDA DALKA AMA XUQUUQDA QOFKA KALE”.
Xuquuqda qofka kale waxa tilmaamay Dastuurka qodobkiisa 24AAD, Faqraddiisa 3AAD oo u dhigan: “ QOF KASTA WUXUU XAQ U LEEYAHAY IN LA XURMEEYO SHARAFTIISA, SUMCADIISA IYO NOLOSHIISA GAAR AHAANEED”.
Guntii iyo gababadii waxa waajib ku ah dhammaan Masuuliyiinta qaranka, Muwaadiniinta iyo Saxaafaddaba in ay xaq dhawraan Dastuurka iyo Xeerarka dalka sida ku xusan Dastuurka qodobkiisa
34AAD , Faqraddiisa 2AAD oo u dhigan: “ QOF KASTA WAXA KU WAAJIB AH IN UU XAQ DHAWRO DASTUURKA IYO XEERARKA DALKA”.
Hadaba waxa waajib ku ah qofkasta oo Muwaadin ah ama saxafi ah in uu
ilaaliyo midnimada ummadda, Jiritaanka Qaranimada, ilaalinta sirta ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL, difaaca dalka iyo Diinta sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 34AA Faqraddiisa 1AAD oo u dhigan: “
MUWAADIN KASTA WAXA WAAJIB KU AH ADKAYNTA MIDNIMADA UMMADDA, ILAALINTA JIRITAANKA QARANIMADA IYO DIFAACA DALKA IYO DIINTA SI WAAFAQSAN XEERKA”.
Ugu dambayn dhacdadii shaley ee Jeelka weyn ee Hargeysa iyo muuqaaladii iyo tiraabihii ay ka midka ahaayeen israsaasayn baa ka socota Jeelka gudihiisa, hubbaa lala galey Jeelka iwm waxay ahayd gaf iyo khalad ka dhacay Saxafiyiinta kana baxsan hufnaanta wararka saxaafadda looga baahan yahay
iyo buunbuunin warar aan jirin. cidkasta oo difaacday khaladkaasina way marin habawdey.
Laamaha amnigana waxaan ugu baaqayaa in xorriyaddoodii loo soo celiyo saxafiyiinta
khaldamey Ilaahaybaan khaldamine iyaguna raaligalin ka bixiyaan, dhanka kale laamaha amniga waxa ku waajib ah in ay xarumaha warbaahinta xaq dhawraan; waayo xarumuhu danbi may galin.
ALLAA MAHAD LEH
XILDHIBAAN SH. AHMED DAYIB ADEN “KU CADEEYE”
COMMENTS
|