Haayada Qaramada Midoobay Oo 100 Milyan Oo Dollar Uqoondaysay Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya!
April 15, 2022 - Written by admin
New York(Berberatoday.com)-Hay’adda Gargaarka Ee Qaramada Midoobay Ayaa sheegtay inay sare u qaadayso Gargaarka bini’aadantinimo si loo caawiyo 4.9 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.
Adam Abdelmoula, oo ah isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in heerarka baahidu ay si xawli ah kor ugu kacayso islamarkaana ay dhaaftay awoodda iyo agabka la heli karo.