berberatoday.com
Hirdanka Quwadaha Aduunka Ee Geeska Africa Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Gobolkani Ka Dhaliyo Dagaalo Culus! Qalinkii Maxamed Dhimbiil
April 16, 2022 - Written by admin

Mar kale Oo Geeska Africa Dagaalo Iyo Burbur Culusi Kusoo Fool Leeyahay..!!Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil.

Waxaa Isa soo taraya loolanka quwadaha aduunka ku dhex Maraya gobolka Geeska Africa oo marba marka ka dambaysa ay soo muuqanayso saameynta ay dawladaha dunidu iyo Dawladaha waaweyn ee loolanku ka dhexeeyaa ku yeelanayo gobolkani.

 

Dhowaan uun bay ahayd markii uu China ergey cusub u soo Magacaabay Geeska Africa oo la sheegay in uu qayb laxaad leh ka qaadan doono xasilinta iyo sugida amniga Gobolka Geeska , Hore waxa Geeska Africa ergey u joogay dawlada maraykanka Oo ay dalka Ethiopia aad ugu kala fogaadeen dagaalkii Tigray.

Waxaa soo baxday in dawladaha CHINA iyo RUSSIA ay Ethiopia Siiyeen damaanad ah in ay ka difaacaan qaramada midoobay Oo ay hor yaalaan lab qadiyadood oo aanu dalka Ethiopia labada midna raali ka aheyn oo kala ah ;

1;Muranka uu dhaliyey biyo-xidheenka Ethiopia ee GERD oo ka dhexeeya ETHIOPIA , SUDAN & MASAR kaasi oo aanu rabin Dalka Ethiopia in qaramada midoobay galaan , halka EGYPT oo U Aragta in doodeedu sharci tahay ku qanacsan tahay qaramada midoobay UN.

2;Waxa kale oo qaramada midoobay horyaalla arimihii binu-adenimada lidiga ku ahaa ee dagaalkii Tigray oo qaramada Midoobay iyo dawlada maraykanku leeyihiin Ethiopia & Erateria cunoqabatayn halagu soo rogo maadaama ay gashay ficiladaasi xun-xun ee ay ka mid yihiin , Kufsiga , dilka iyo barakicinta dad aan waxba galabsan oo ay geysteen dawladahani.

Dhinaca kale waxaa jira tartan lagu tartamayo Gobolka Geeska Africa oo ah ;.

1;Suuqiisa iyo muhiimada uu u leeyahay dawladaha warshadaha iyo wax soo saarka badan leh ( Geo-economic).

2-Goobta uu ku yaallo gobolku ( Geo-strategic ) oo muhiim u ah quwadaha iyo dawladaha aduunka xaga amaanka iyo Istaratijiyada mustaqbalka.

3-Ahmiyada uu gobolkani u leeyahay hirdanka siyaasada Aduunka ( Geo-politics ) oo aan looga maarmeyn in dalwaliba Ka helo bugcad uu dego maadaama dano badani kaga xidhan yihiin Africa iyo Jasiirada carbeed oo uu Geeska Africa labadaba u yahay meel u muhiim ah .

Waxaa sadexaad oo gobolkani halis u yahay in ay dagaalo ka qarxaan is-maandhaafka ka taagan biyo-xidheenka GERD oo uu dalka EGYPT meel adag ka taagan yahay , kaasi oo sababaya in Masar ay ku soo dhawaato mandaqada Geeska Africa.

Arimahani ayaa waxa ay dhaliyeen in dalwaliba uu dhisto quwad ciidan oo uu ku difaaco danihiisa iyo xulafo siyaasadeed oo uu dhabarka ku hayo kaasi oo sababay cabsi badan oo dadka gobolkani ku dhaqani qabaan in mar kale ay ka huraan dagaalo waaweyn oo dib u dhac iyo baaba umadeed horseed u noqda.

Maraykanka oo arkay halka xaaladaha Geeska Africa marayaan ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u arka meel u muhiim ah siyaasadiisa iyo danaha uu ka leeyahay Gobolka Geeska Africa iyo waliba in uu ka ilaaliyo is-balaadhinta China oo gobolkani oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeysanayey.

China oo u arka Jamhuuriyadda Somaliland in ay xidhiidh la sameysay Taiwan ayaa soo taageeraya dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland ku lidka ah sida Jamhuuriyadda Federalka Somalia oo uu hub iyo saanad milateri oo badan dhowaan siiyey ayaa u muuqda mid u soo miciyo lisanaya Jamhuuriyadda Somaliland.

Isku soo wada xoori gobolkani Geeska Africa oo boqolkii sanadood ee ugu dambeeyay ahaa mid aan xasiloonayn oo dhibaatooyin iyo dagaalo kala duduwan qabay ayaa u muuqda mid hadda oo laga rajo qabay in uu ka soo kabto usoo muuqda mid ay ka qarxi doonaan dagaalo hor leh marka aad eegto hubka ku soo qul-qulaya iyo dawladaha u imanaya taageero ciidamo in ay siiyaan dawladaha Gobolka iyo saldhigyada ciidamada shisheeye ee ku soo badanaya mandaqadan.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “M. Dhimbiil”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews