DOORASHOOYINKII SOMALILAND EE MUDEYSNAA 2022 MA KU DHACAYAAN XILIGOODII ? !!! W/Q MAXAMED DHIMBIIL
April 29, 2022 - Written by admin
Jamhuuriyada Somaliland waxa la sugayey sanadka 2022 in ay dhacaan doorashooyinkii ururada iyo axsaabta siyaasada, doorashadii guurtida iyo doorashadii madaxweynaha.
Waxa muuqata sansaan aanay doorashooyinkii ku dhacayn , sababuhuna waxa ay kala yihiin sida tan ;
1- Doorashadii ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka gudigii diwaangalinta wali lama ansixin , sidoo kale lama garanayo goor la ansixin doono xili ay is abaabulkii ururada ee sharciga ahaa ka hadhay hal bil oo kaliya.
Doorashadani qaabkeega waa lagu kala duwan yahay oo dadka qaar waxa ay qabaan in sidii sanadkii 2012 inta doorashada ururada siyaasada la galo sadexda xisbi ee soo baxaa madaxweynaha u tartamaan.
Qaybo kale way ka soo horjeedaan oo waxa ay leeyihiin doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka waxa ka soo horeysa xiliga ay dhaceyso ta madaxweynaha markaa suuragal maaha in ay soo horeyso.
Hadii aynu xaga sharciga eegno ma jiro wax cadeynaya sida loo galayo waxaana ay u baahan tahay heshiis siyaasadeed marka gudiga diwaangalinta iyo gudiga doorashooyinka qaranka oo shaqadan lehi cadeeyaan jadwalka doorashooyinka iyo sida ay isku qaadan karaan doorashooyinku.
Xiliga lagu jiro ayaanay muuqan sansaan doorasho maadaama aanay arimaha taagan heshiis ku aheyn xisbiyada mucaaridka ah oo haysta shirgudoonka golaha wakiilada iyo xukuumada oo dabada ka riixaysay , waxa kale oo aan fadalo cadeyn muwaadiniintii lahayd xuquuqdan siyaasadeed ee maxkamada dastuuriga ah tix galisay oo ay ahayd in aanay mar qudha ka hadhin.
2- Doorashada golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland oo marka dastuurka dalka la eego mudo xileedkeegu hal sano ka dambeeyo ka golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ayaa ay ahayd in ay dalka ka dhacdo 31-May-2022, doorashadani waxa ay mudo dhaaftay 19 sanadood marka mudaneyaashii la doortay 1997 laga soo bilaabo ma dhicin doorasho ka dambaysay.
Caqabada kale ee jirta ayaa ah xukuumadihii kala dambeeyey oo golaha guurtida midwaliba dano weyn ku qabto ayaan isku hawlin in xeerkii lagu dooran lahaa la sameeyo oo ay doorashadaasi qabsoonto , sidoo kale maadaama aan la garaneyn qaabka loo geli doono tusaale ; hadii ay noqoto doorasho sida ay dastuurka ugu qoran tahay waxaa qasab noqoneysa in axsaab siyaasadeed lagu galo , markaa waxa ay heli doontaa daneeyayaal doorasho ( stakeholders).
Hadii ay wax ka duwan noqoto oo tusaale ahaan doorasho xulasho ah oo xeer kii barigii hore lagu soo xulay oo kale loo raacayona waxa daneeyayaal ka noqonaya beelaha oo laga rabaa dadkii shuruudahaa buuxin lahaaa
Ilaa hadda cidwaliba way iska ilaalineysaa maadaama oo uu yahay gole awood badan ku leh qaranka maadaama aan waxba diyaar aheyn mucaarid iyo muxaafid waa la iska wada barbarinayaa , inaga oo og doorasho la’aanta golahani in ay qaranka ku tahay laf jab iyo kala dhantaalnaan.
3- Doorashadii madaxweynaha waxa ka hadhay ( 200 maalmood ) oo kaliya xili uu aad u liito diyaargarawga doorashooyinka qaranku kaasi oo keeni kara ragaad abuura murug iyo murano siyaasadeed oo qaranka u horseeda deganaansho la’aan siyaasadeed.
Cayimida xiliga doorashooyinka waxa leh komishanka doorashooyinka qaranka oo laga rabaa in ay shaqadooda iyo xiliga doorashadu isku sigib tirnaato , hadii hadaba ay hawshaa gudan waayaan waxa imanaysa dib u dhac doorasho ( election delay ) oo sababaya in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha jooga iyada oo laga cararayo meel banaanaata ( vacuum) .
Marka aad eegto sida wax u socdaan iyo san-saanta ka soo baxday komishankii doorashooyinka iyo gudigii diwaangalinta oo aan wali la insixin ee doorashada ururada iyo axsaabta qaabilsanaa si uu komishanku doorasho ugu qabto oo loo waafajiyo jadwal doorasheedka ( elections schedule) iyaguna waa qabyo.
Haddaba waxa aad moodaa in xukuumada iyo madaxweynaha joogaa uu rabo in uu doorasho galo laakiin meelo kale uu ka jiro cagajiid si inta sanad loo kordhiyo uu meesha uga baxo , sababta oo ah xukuumad kasta oo korodhsataa ma soo laaban karto .
Haddana dhinaca kale waxa ay labada xisbi mucaarid leeyihiin 13 Nov 2022 waa in ay dhacdaa doorashada madaxweynuhu komishankii iyo hay’adihii shaqadan lahaana kuma daba taagna si doorashadu xiligeeda u dhacdo oo aan la isku dhiganin , ururadii siyaasada na wali lama siin ishaaradii sharciga aheyd ee ay kula gorgortami lahaayeen sadexda xisbi ee hada jira.
Waxa muuqata in aad loogu kala durugsan yahay doorashooyinka soosocda habka ay u dhacayaan cida ka qayb galeysa iyo goorta la qaban doono , waxa aanu qarankii ku jiraa in uu u muuqdo in koox waliba doorashada ay danaynayaan u muuqato oo ay ta kale indhaha ka lalinayaan.
Isku soo wada xoori jamhuuriyada Somaliland in doorashooyinkii mudeysnaa 2022 ay dhacaan waa muhiim qarankana horumarkiisa iyo hore u socodkiisa ayaa ku jira , dhinaca kale diyaargarawga doorashada ururada ayaa socda oo ilaa hadda waxa la shaaciyey Afar ( 4 ) urur siyaasadeed iyada oo dhowaana qaar kale lagu dhawaaqi doono.
Arimahani dhamaantood waa qaar u baahan in xil la iska saaro waayo hadii uu dalka xasiloonidiisa siyaasadeed wax noqoto ma jirto wax kale oo shaqeynayaa , sababta ay xasaasiga u tahay in siyaasada dalku tahay mid degen waa taasi markaa qofwaliba oo reer Somaliland ah waa wax khuseeya.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil