“Ilaahay Hortii Taariikhdu Ma Simayso Marxuum Jaamac Yare Iyo Muuse Biixi”Siyaasi Cali Guray.
May 1, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo Kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland kana mid ahaa mujaahidiintii Dib Uxoraynta Somaliland ee Snm ayaa sheegay in aan taariikh Ahaan iyo aqoon aan lasimi Karin madaxwayne biixi iyo Marxuum gen jaamac maxamed qaalib (Jaamac Yare) oo Maalintii shalay kagu aasay xabaalaha toon islamarkaana aanu Aaskiisa ka qaybgali madaxwayne biixi.
