berberatoday.com
Madaxwaynaha Jabuuti Oo Ka Argagaxay Su,aal Senator Katirsan Aqalka Sare Ee Maraykanku Ka Waydiiyay Sababta U Aqoonsan Waayay Somaliland Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay?
May 4, 2022 - Written by admin

Madaxweynaha Djibouti Ayaa Argagaxay ka dib markii Senator Sare oo ka tirsan Aqalka sare ee maraykanka Uu qasriga Madaxtooyada djibouti ku weydiiyey Sababta Uu u Aqoonsan Waayay Somaliland Sanadkii 2015!

Salaasa, May 3, 2022

Copy laga helay qunsuliyada Maraykanka uu ku leeyahay Djibouti, ayaa waxa ay tibaaxday in Senator sare oo Maraykan ah, Senator-kaas oo lagu magacaabo Russ Feingold, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto magaalada Janesville, ee gobolka Wisconsin uu Qasriga Madaxtooyada Djibouti, uu ku casuumay Madaxweynaha Djibouti Ismael Omar Guelleh, sanadkii 2015.

 

Iyada oo ay tahay arin qariib ah in dibloomaasi sare, oo soo booqday gurigaaga, uu ka hadlo wadan kale, ayaa Madaxweynaha Djibouti Ismael Omar Guelleh, waxa uu filaayay in Senator Rus Feingold, uu ka hadlo xidhiidhka Maraykanka iyo Djibouti, laakiin Russ Feingold, ayaa ku bilaabay hadalka sidan hoose:

Madaxweyne Ismail Gelleh, waad ku mahadsantahay, soo dhaweynta, waxa aan rajaynayaa in uu kobco xidhiidhka Maraykanka iyo Djibouti, iyada oo isla xidhiidhkaas, uu noqon doono muhiimadayda koobaad, ayaa hadana waxa aan jeclaystay in aan ku weydiiyo sababta aad u aqoonsan weyday Somaliland, oo ah dariskaaga.

Jawaabta Madaxweyne Ismael Omar Gueleh oo aan u badalnay Af- Soomaali ayaa ahayd sidan hoose:

” In kasta oo reer Djibouti iyo reer Somaliland, ay isku qoys yihiin, ayaa hadana runtii Somaliland, waxa ay si joogto ah, anaga Djibouti noogu cadaadisaa in halkan Djibouti ay noqoto dalka ugu horeeya ee aqoonsada madaxbanaanida Somaliland.

Anigana waan u sheegay marar badan, in ay adag tahay, in lagaga difaaco fikirka ah madaxbanaanida Somaliland, gudaha Midowga Afrika iyo gudaha Qaramada Midoobay.Dhinaca kale, halkan Djibouti lama jaanqaadi karto aragtida madaxbanaanida, waxana aragtidayada ay tahay is- dhexgalka gobolka”.

ARAGTIDAYDA:

Madaxweynaha Djibouti Ismael Omar Gulleh, waxa uu ka argagaxay su’aasha Senator Russ Feingold, sababta oo ah su’aasha ayaa u muuqata mid abuuraysa tartan dhex mara Djibouti iyo Somaliland, sababta oo ah waxa uu sheegay sarkaal labaad oo fadhiyey Qasriga Madaxtooda Djibouti in khalkhal uu galayo ganacsiga Djibouti iyo Somaliland, hadii Somaliland ay ka hesho aqoonsi beesha caalamka.

Sarkaalka reer Djibouti ee ag- fadhiyey Ismael Omar Gueleh ayaa magaciisa uu yahay Fahmi  Yousouf.

XIGASHO; AHMED ADAM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews