berberatoday.com
Abwaan Cabdikariim Qaamuus Oo Tiriyay Gabay Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Xaalada Wadanka!
May 8, 2022 - Written by admin

ABWAAN QAAMUUS OO TIRIYAY GABAYGA “XUMAD-WADAREED” OO DABADA SOCDA SILSILADII LIINTA XOORKALE.

“Xeerka Weeyi Waxa Uu Dadkuba, Xoolo dheer Yahaye.

Haddii Ay Gar Xeerbeegtidii, maal u Xilanayso,

Xaqa Ruuxa Sheegana Awood, la Iska Xidhanaayo

Xabsi Haddii Umudan Saxafigiyo,Weriye Xuuraamay,

Oo Xiskiyo garaadkii shacbiga, la iska Xuurtaystay,

Oo Xamaasad ku Wada noolyahoo, laga Xaraabaysto,

 

Xal maxaan u raadshaa dalkuba, Malaha Xeegaane,

GABAY:XUMAD-WADAREED;

Abwaan Cabdi Kariim Muxumed Cadde oo Ku Magac dheer (Qaamuus) Oo ka mid ah Abwaanada  Waaweyn ee Reer Somaliland ayaa   Soo saaray Gabay cusub oo la Magac baxay ‘Xumad-Wadareed’  gabaygaasi oo uu abwaanku kaga waramayo xaalada Guud ee dalka  ayaa waxa kale oo uu fariin u direy abwaanadii curiyey silsiladii Liinta Xoorka Leh .

Waana kan Gabayga Xumad-Wadareed’   isagoo qoraal iyo maqal iyo muuqaalba ahi ee ka dheeho halkan hoose;

Waxaanu Gabayga Xumad-Wadareed yidhi Sidan:

1.Haddii Gabayga Xaraf-raaca uun, lagu Xarriiqaayo,

2.Oo Nimaan Xakamihiisa hayn, Xaashi ku qoraayo,

3.Xilahay ku furan maansadaba, laguma Xiiqeene,

4.Oo raggaa madaxa Xiiran lihi, kuma Xabeebteene,

5.Oo laguma Xoomeen siday, Xiisad gelayaane,

6.Mid Xaqiira buu noqon lahaa, oo Xaraash gala’e

7.Xakiimkaa Ilaah baa baxshee, Xoolo lagu waaye,

8.Waa loo Xuluushaa midhaha, Xidhka Waligaaye,

9.Ninka Xaal yaqaanaa murtida, waa u Xiddigiyaaye,

10.Sidii Xeerka maansadu ahaa, Xarrago geeraara,

11.Ama Xidha afkiinoo walaal, aadna u Xishooda,

12.Oo Xaq dhawra ruux maanqabiyo, Xisaska waayeelka,

13.Duur-Xulkaasna beydgaabka way,kala Xanaaqaane,

14.Afartaa wax la iskuma Xidhee, arar Xaqeedii dheh,

15.Xog-ogaal tixdiisiyo Barrow, Xikmadii Qaamuus dheh, ,

16.Afar kalena waa Xaasilkee, dhugasho Xeeldheer leh,

 17.Qaar baa malaha lagu Xukumay, Xeedho iyo dheefe,

  1. Oo tiraab ku soo Xoogsi tagay, cidiba Xaalayne,
  2. Abidkayba la iguma Xanteen, gabay Xamaalkaase,
  3. Hadraawi iyo ina Xaashi baa,Nooga Tegay Xeere,
  4. Anigoon Xiraad iyo ku rabin Xagallo geedaysan,
  5. Anigoon Xer gaarana dureyn, Qaarna Xulanaynin,
  6. Oo aan Xijaabayn runtiyo, Xaaladdiyo Dooda
  7. Oo hebel Xajiimaynahayn, hebelna Xiisaynin,
  8. Oo aan u Xilanayn tol iyo, ani Xigaalkayga,
  9. Bal aan boogta Xaradhaamiyo, laysku Ximinaayo,
  10. Rashiidow sidii Xoox murtida, Aan Xiska u Maalo,
  11. Mar aan Xajarka Faalkiyo,Xiddiga eeg eegay,
  12. Boobow Xusuusaha falagga, Xalayto fiirfiirshay.
  13. Qabqabliyo Ximraha halista badan, Xaal ka tegi waaye,
  14. Xirsi Jaws iyo Qardhaas bulshoy, ka Xidha saadaasha,
  15. Xeerka weeyi waxa uu dadkuba, Xoolo dheer yahaye.
  16. Haddii ay gar Xeerbeegtidii, maal u Xilanayso,
  17. Xaqa ruuxa sheegana awood, la iska Xidhanaayo
  18. Xabsi haddii u mudan Saxafigiyo,Weriye Xuuraamay,
  19. Oo Xiskiyo garaadkii shacbiga, la iska Xuurtaystay,
  20. Oo Xamaasad ku Wada noolyahoo, laga Xaraabaysto,
  21. Xal maxaan u raadshaa dalkuba, malaha Xeegaane,
  22. Idinkaa Xulbado qooshaya, oo Xaggaas is dhigaye,
  23. Idinkaa runtii Xooray oo beentii Xaabsadaye,
  24. Idinkaa Xabagta uun jantiyo, kuruska Xaydhiiye,
  25. Xaggee hebelka lagu gaadhayaa, Xaafad lagu doortay?
  26. Haddii uu wanaag kaa Xarkago, waa Xume u jooge,
  27. Xurmaa la isu leeyee haddii, la is Xiniin taabto,
  28. Oo uu ninkii xoolo badan, xoogga sare Fuulo,
  29. Oo Dadka ninkii Xayn yaraa, Xaabka jari waayo,
  30. Oo Xisbi iyo kol ay tahay Xukuumad, la is Xushmayn waayo,
  31. Oo nin waliba ninkii Xigey intaas, Xeebta ugu heeso,
  32. Oo kii Xilka innoo qabtaa, Xerada weydaarto,
  33. Kolka laga Xayuubiyo Hadana, Xaqa Yidhaa Aaway,
  34. Oo Xuquuqda hadalkiyo la jaro, qawl Xorriyadeedba,
  35. Oo reerba Xafashkiisa daran, innagu soo Xaadho,
  36. Oo Xildhibaanaduna ay noqdaan, Xaabo lagu guuro,
  37. Xadhigaaga uu kaa furfuro, ruuxaan Xidhi doonin,
  38. Xaalad abuur iyo ileyn laga ma baxo, Xagal wareegaase,
  39. Xummad-wadareed weeyee muxuu, noqon Xalkii SHeega?
  40. Kol haddii Xal iyo jirin Xulkii, waa Xab bururkiiye,
  41. Xeedhada gunteeduna ka weyn, Xaggaad ka eegteene,
  42. Weli Xeeli weeyaan intaad, Xoorka dhamaysaane,
  43. Sida Xamar haddaan weriyahaba, la Xabadaynaynin,
  44. Oo Xarafka aad soo qortaan, Xigin Xabaashaadu,
  45. Oo Xagato waa meel sokee, laysu wada Xaabin,
  46. Ku Xamdiya dhammaan liinta oo, Jeelashana Xaadha,
  47. Ina Aadan Xaad sidiisii dameer, Xero ku haasaawa,
  48. Oo sidii Abwaannadii Xalnaa, Xaafadaha dhaafa,
  49. Markaasuu Xaqii iman karaa, loo Xabaal galaye,

67.Xikmad yool habowdaa u daran, ilma Xujaaloowe,

68.Xaggaa dhiga qabiilkoo mar’uun, maanka ka Xorooba,

69.Ama sida Xammaalkii Berbera, Heello nagu Xiija,

Eray-furka Gabayga:

  1. Boobow: Waa Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale

15.Barrow: Waa Cabdiraxmaan Maxamuud Raage

  1. Hadraawi iyo ina Xaashi: Waa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye)

27.Rashiidow: Waa Macalin Rashiid Cabdi Muuse (Rashiid Soomaali)

64.Ina Aadan Xaad: Waa Abwaankii Weynaa Ee Cabdi Aadan Xaad (Qays)

69.Heello: Xaggan, Waxa ugu jirtaa Macnaheeda Rasmiga ah oo ah Ciyaar dhaqameed.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews