Haweenay Wariye Caana Ahayd Oo Ushaqayn Jirtay Telefishanka Aljazeera Qeybta Carabida Oo Saaka Ciidamada Yuhuudu Ku Dileen Qudus
May 11, 2022 - Written by admin
Jarusalam(Berberatoday.com)-Shiiriin Abuu Caaqila oo muddo dheer Ka tirsanayd Al-Jazeera qaybta carabiga, kana soo warami jirtay dhulka Falastiin ayaa u geeriyootay saaka raraas ay fureen ciidamada Israa’iil, Shiiriin waxay ahayd falastiiniyad waxayna magaalada Qudus ku dhalatay sannadkii 1971
Muddo ku siman 25 sannadood, ayey soo tebinaysay xasuuqa iyo arxandarrada Yuhuddu ku hayaan dadkeeda reer Falastiin. Waxay ahayd mujaahidad, caalamka tusi jirtay dhibta iyo tacaddiga Israa’iil ku hayso dadkeeda.