berberatoday.com
(Milicsi Gaaban Taariikhdii madexweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal) Q2 Waxa Qoray Cumar Qiyaas
May 12, 2022 - Written by admin
(Milicsi Gaaban Taariikhdii madexweyne
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal) Q2@@d.
Markale, qalinkeygu milicsi gaaban ha suureeyo, madexweyne Cigaal oo taariik nool ka tagey.
Waxa faan ii ah, madexweyne Cigaal baa madexweyne ii ah.
Waxa faan ii ah, madexweyne Cigaal ayaa Somaliland dawladnimadeeda salka u dhigey.
Waxaan faan ii ah, madexweyne Cigaal ayaa, distoorka, lacagta Somaliland iyo xusbiyada Somaliland ba sameeyey.
Waxa faan ii ah, madexweyne Cigaal baanu is xignaa.
Akhriste,madexweyne Cigaal, wuxuu , 2bilood gudahood ku dhisey golohiisii wasiirada.
Madexweyne Cigaal falcelintii dadweynaha oon soo ba bixin, waxa uu markiiba magac soo raaciyey golohiisii wasiirada ee uu hada magacaabey.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Wuxuu yidhi siyaasi Cigaal, ( xukuumadani xul, maaha, ee waa xal). !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Shaxda dawladnimada nin khabiir ku ah buu ahaa, waxaad is odhaneysey malaha, Cigaal, qolo kale ayaa la shaqeysa.
Madexweyne Cigaal, waxa uu markiiba u yeedhay ganacsatadii Somaliland,waxa uu,
u sheegey barnaamijkiisa dawladnimo iyo baahiya degdega ah ee uu u baahan yahay in garab laga siiyo.
Nasiib wanaag, ganacsatadii waxay soo dhaweeyeen barnaamijkiisii, waaney is la garab taageen wixii uu uga baahnaa.
Akhriste,, dalku wuu kala xidhnaa, jiho kasta oo aad magaalooyinka uga baxdaba kantrool baa ka sameysnaa, waxa heystey niman (Dayday) loo bixiyey iyo( Dhul jiifyo). oo reereysan oo calooshiidu xukunto oon cid kale amar ka qaadan.qof kasta oo jidkaas mara nafta ayey ku dhajiyaan.
Nimankan kantroolada sameystey waxay u badan yihiin ciidamadii SNM,ta oo markii ay shaqo waayeen , qorigiidii shaqo ka dhigtey oo kantroolo sameystey.
Mujaahidiintii SNM, oo noqdey laba kooxood oo iska soo horjeeda, goox walba imtixaan buu galiyey oo wuu ka badiyey.
Waxay isku dayeen odeyga in jalaafooyin ay u daadiyaan, balse wuxuu noqdey ruug cadaa, ka war keena dhamaantood.
Dalka, guri walba hub baa ka buuxaa,
Magaalooyinkana miino ayaa ku wada aasan.
Gees walba wey taalaa, guryaha dunsan wey dhex dhigeen.
Madexweyne Cigaal wuxuu maanta bilaabey
Mucjisadiisii labaad, wuxuu isugu yeedhay Garoonka Sadium Hargeysa, dhamaan shacabkii iyo reerihii, waxaan uu jeediyey khudbad aan taas oo kale hore loo arag.
Wuxuu khudbadiisii ku bilaabey:———————-
(Allahayow maanta waxaan jooga halkii Nabi maxamed carab u joogey ee waxaan kaa baryayaa tolkey oon maanta odey u ahay,hogaamiye u ahay oo dhibaateysan, dagaalo sokeeyey ku soo kala erdhoobey in aad maanta bogoodo burcad isku mariso, adigaa awood Lee).
Wuxuu yidhi (Tolkeyow) waxaan idinka codsanaya si aad nabad galyo u heshaan in aad hubka iska dhigtaan, hubka aad guryaha ku heysataan wax aan colaad ahayn ooy soo kordhinayaan ma jiraan ee tolkeyoow, maanta hubka aad heysaan halkan wada keena.
Goobta waxa jooga, guurtudii , madex dhaqmeedyadii Somaliland oo dhan.iyo shacab weynihii oo dhan.
Baaqaas uu direy, waxa Isla markiiba ka soo jawaabtey (reerka Arab), la yidhaah oo hubkoodii keenay, sidaas ayey hub ka dhigistii ku bilaabantay kuna hirgashey, laguna bilaabey dhiskii ciidamadii qaranka ee u horeeyey.
Madexweyne Cigaal wuxuu ku guuleystey in ciidamadii booliskii uu dhiso.
Waxa uu bilaabey in miinadii dhulka ku jirtey la guro, oo heyado taba-bara, miino baadhis ah la furo.
Madexweyne Cigaal wuxuu go’aamiyey in xeradii qaxootiga ee (Dulcad) la soo xidho, oo dadku guryahoodii dunsana ku soo noqo.
Waa xeradii qaxootiga ee ugu horeysey Abid ee (UN) jimciyada quruumuhi xidho.
Hadaanu sidaas yeelin ilaa maanta wey furnaan lahayd,sida kuwa (Kenya) ka furan.
Madexweyne Cigaal isaga oo dhag-xumida u diidan dadkiisa ayuu talaabadaas adag qaatey.
Madexweyne Cigaal wuxuu bilaabey dib u heshiisiin dhab beelihii colaadu soo kala gaadhey.
Wuxuu bilaabey in la sameeyo (Axdi qarameed) dalka lagu maamulo inta distoor loo sameynaayo.
Madexweyne Cigaal, magaciisu waa ka weynaan lahaa magaca Nelson Mandela, marka aad isku eegto wax qabadka uu qabtey, halka uu ka bilaabey halka uu gaadhsiiyey, nasiib darase dalka oo sabool ah iyo dadka aqoonta leh oo ku yareyd iyo Mandaqa uu dalku ku yaalo oo dib u dhac balaadhani ka jirto aya keentey in aanu magaciisu muuqan.
Waayo, waa wadankii ugu horeeyey ee aasaaskii dawladnimo ka wada burburo ee dib u dhista aasaas cusub oo dawladnimo isaga oon dawlada kale ama(UN) ta aan taageeri ka helin.
Akhriste qaybta 3@@@@@@@@@@@d
La soco
Qalinkii Ruuxiga ahaa
Omar Qiyas.

 

Waxa Qoray Cumar Qiyas
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews