berberatoday.com
“Mala Odhan Karaa Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi, Wuxuu Raacay Siyaasadii Arimaha Dibada Madaxwayne Riyaale?Mahamed Dhimbiil. “
May 14, 2022 - Written by admin

“Xiliyo Isku soo eeg Iyo Xidhiidho Isku Mid ah Oo Ku Beegmay Labadaasi Xili Madaxwayne”

Afar iyo toban sanadood ka hor ayaa waxa is xigay safarada dawlada maraykanku ku timid Somaliland iyo safar uu madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ku tagey dalkaasi oo uu kula kulmay saraakiil sarsare oo ciidamada maraykanka ah , diblomaasiyiin iyo khubaro kale oo maraykan ah.

 

Safarkaasi waxa ka dhashay in Xoghayaha arimaha Africa ee maraykanku ay dalka jamhuuriyada Somaliland timaado Jendai Frazer xiligaasi oo uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee xiligaasi sheegay in uu dawlada maraykanka ku casuumay in ay saldhig milateri ka sameysato Berbera oo uu maraykanku hore ugu lahaan jiray.

Maanta waxaa jamhuuriyada Somaliland yimid wafti aad u heer sareeya oo diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan ah kuwwasi oo ay ka mid ahaayeen safiirka soomaaliya ee maraykanka Larry Andrea oo dhowaan maraykanku u soo magacaabay Soomaaliya horena u ahaan jirey safiirka maraykanka ee Djibouti oo ah khabiir gobolkani wax badan ka og.

Sidoo kale waxa marayey madaxa saldhiga maraykanka ugu weyn ee Africa ( Africom ) oo ahaa masuuliyiinta ugu miisaanka weyn ee Jamhuuriyada Somaliland yimid , kulanka madaxweynaha ka dib waxa uu waftigaasi ka degay magaalada Berbera halkaasi oo ay indho indheeyeen Airport ka cusub iyo Dekeda Berbera.

Waxaa socda taariikho isku soo eeg e , haddana isla maanta waxa jamhuuriyada Somaliland ka soo degay wafti sare oo uu soo direy madaxweynaha Senegal Macky Sall oo 06 February 2022 magaalada Addis-Ababa loogu doortay gudoomiye sanadeedka midowga Africa.

Macky Sall waxa uu xafiiska dalka Senegal looga taliyo ka ag dhawaa ilaa 2000 waxaana uu soo qabtay xilal badan oo ay ugu waaweynaayeen Mayor, wasiir iyo Raisal wasaare uu ahaa 2004 ilaa 2007, waxaa uu wax ka ogaa safar madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ku tagey Senegal oo uu kula kulmay madaxweynihii dalkaasi hogaaminayey 2000 ilaa 2012 Abdoulaye Wade oo uu madaxwayne Macky sall la shaqeeyey kursigana isaga kala wareegay.

Sidoo kale Jamhuuriyada Somaliland iyo dalka Senegal waxa ay wadaagaan maalgalinta dekedaha ee Dp World oo uu dhawr goor baraha bulshada ku baahiyay maamulaha shirkada Dp World Sheikh Sultan mahadnaqa madaxwayneyaasha Senegal iyo Somaliland Macky sall iyo Muuse Biixi isaga oo sheegay in DP WORLD ugu talogashay Senegal in ay noqoto albaabka ganacsi ee galbeedka Africa halka ay Jamhuuriyada Somaliland na ka noqon doonto albaabka ganacsi ee bariga Africa.

Isku soo wada xoori waa taariikho isku soo eeg iyo fursado muhiim ah marka laga eego meeqaamka siyaasada arimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland xiliyadaasi , sudoo kale  waxa uu waftiga Senegal u yahay fursad weyn oo qadiyada Jamhuuriyada lagu horgeyn karo midowga Africa maadaama madaxweynaha Senegal yahay qof aqoon wanaagsan u leh jamhuuriyada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha midowga Africa.

QALINKII; Hogaamiye Mohamed Abdi Jama “M. Dhimbiil”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews