berberatoday.com
“Kulmiye Oo Uf Wada Yidhina Xuska 18ka May Anigu Waan Usoo Taagnaa”Siyaasi Cali Guray.
May 15, 2022 - Written by admin

Siyaasi Cali Guray oo ka waramay dhacdo uu goob joog u ahaa oo xisbiga kulmiye xiligii uu mucaaridka ahaa ku diiday casuumada xuska 18may oo madaxwayne daahir riyaale u keenay

Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;

“Kkkk waxan xasuustay aniga oo Kulmiye oo mucaarida ah xiligii Daahir Rayaale oo la noo fidiyay martiqaad in aanu ka soo qaybgalo casho sharaaf lagu xusayay 18ka May oo madaxtooyada lagu qabanayay. Waxa la noo keenay 5 kaad. Waa xafiiska Kulmiye dhexdiisa. Waar yaa tegaya? Cidi nooma maqna ilaa odaygii Axmed waa xaadir. Tegi mayno ayaa la wada yidhi. La ii taag helimaayo eh markaan arkay in laga wada baqday ayaan idhi “anigaa tegaya eh keena”. Qof markii i labeeyay ma jirin. Habeenimadii ayaa inan hablihii Kulmiye ah ku dhex arkay madaxtooyada. Maan waydiinse in kaadhadhkii Kulmiye ay ku soo gashay iyo in kale. Waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan munaasibad 18 May ah ka qaybgalay intii aan mucaaridka ahaa iiguna dambaysay.

 

Mar ka horaysay baa jirtay laakiin waxan ahaa Agaasimaha Fulinta ee NDC (1995) xiligii Cigaal. Marna waaba markii iigu dambaysay oo waxan ahaa Afhayeenka UDUB. Sadexdaa goor ayaan weligay 18 May casho ka qaybgalay maalinimana weligayba agteeda kama wareegin ee Caligurey Somaliland waa laga jecel yahay miyaa? Oo kuwa sanad walba taga ayaa ka Somalilandersan saw maaha? Cabdiraxmaan Cirro oo aan xataa martiqaad loo isaga iyo xisbigiisa lagu loo geyn ayay kuwa caqliga dameeraha lihi intaa wadwadaan oo ay dhaliil uga dhigaan 18ka May laguma arko. Imisa ayuu isaga oo Gudoomiyaha Wakiilada ah isagoo Axmed Silaanyo dhinac fadhiya la arkay. Xirsina isagaabu ahaa Wasiirka wax marti qaadi jiray lix ama todoba sanadood. Haddana waan ku raacsanahaye waxba yaanay ugu tegin hadii ay sidaa go’aansadaan, waa tii Kulmiye ee qof i labayn waayay oo kale eh. Miyaa la yidhi Muuse kama soo qaybgalo maxaa Cabdiraxmaan sanka looga marmariyaa 18 May horto.

MUJ CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews