Maxkamada Dalka Jabuuti Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Taliyihii Hore Ee Ciidanka Booliska, Wasiirkii Miisaaniyada Iyo Xubno Kale.
May 28, 2022 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Maxkamada Dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xadhig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib markii sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u Iibsadeen cod sir ah oo la duubay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sano ee xadhiga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood.