Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Ka Hadlay Xaaladaha Sicer Barar Iyo Abaaraha Ka Taagan Deegaanka, Eedo Culusna Ujeediyay Siyaasiyiinta Mucaaridka!
May 30, 2022 - Written by admin
“Mucaaridka Masiibo Quutayaasha Ahi, Waxay Rabaan In Ay Qalalaase Uga Faa,iidaystaan, Bariiska Qaaliyoobay”Madaxwaynaha DDS.
Jigjiga(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay xaaladaha sixir barar, abaaraha iyo duruufaha kale ee deegaanka somalida ka taagan sidii gurmad iyo talo wado jir ah looga qaadan lahaa
Sidoo kale madaxwayne mustafe cagjar ayaa mucaaridka ku eedeeyay in ay yihiin kuwo aan talo keenin balse masiibo quutayaal ah islamarkaana qaarkood ayna waxba ka odhan wixii deegaanka ka dhacay ee tacadiyadii ay gaysteen maamulkii hore