berberatoday.com
Berberaay Nasiibkaa !Waxa Qoray Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Wadani Mohamed Sidik – Dhamme
May 31, 2022 - Written by admin
Wershadda Koranatada Berbera ku warrejintii gacanta ganacsatada (BEC) kaddib maxaa is bedelay ?
Dawladdu waxay la wareegtay Korantada magaalada Berbera 2007 waxay kala wareegtay shirkaddii la odhan jiray BEE, Dawladdu waxay keentay laba mishiin oo waaweyn iyo 13 Taransmootar ama fidiye, laba fidhar, waxa la haagajiyay power house-ka waxaana lagu wareejiyay deyr cabbirkiisu yahay 200*200, waxa la dhisay dhammaan xafiisyada, istoodhada, hool iyo 14 qol oo dhammaan la qalabeeyay. Waxa loo iibiyay 5 gaadhi, waxa loo sameeyay taangi Naafto oo qaada 120 foosto, 6 taangi oo midkiiba qaado 15 foosto. Waxa la bedelay kaabadihii qaarna dub u habayn ayaa lagu sameeyay, waxa lagu xidhay xadhko cusb oo waxa la bedelay kuwii hore.
Ganacasatada Shirkadda (BEC) markii ay la wareegeen Wershadda Korantada Berbera shaqo kamay qaban kollay tahay rinjina, dhisme cusubna kumay darin, dhawr gaadhi oo duug ah oo la soo iibiyay badidoodu way kharaabeen, 5 mishiin ee yaal Wershadda Laydhka ganacasatadu waxay keeneen 3 mustacmil ah, hadda waxa la shidaa 4 mishiin oo aan la bakhtiin hal mar waana sababta Laydhku u damo ee magaalada marba qayb la modoobeeyo.
Tarasmoterada waxa hadda yaal 28 qaar ka midi ah ayaa aad u yaryar yihiin, oo aan qaadi karin culayska dabka waxa ugu waaweyn laba Tarasmetar oo u kala baxa DP WORLD iyo Shaafa Al Nahda madaama iyaga laga qaado lacag badan oo u dhiganta $150,000 lacagtaas oo lagu dabool shidaalka billa ah ee Warshadaa Korantada Berbera.
2015 waxa lagu wareejiyay Wershada korontada shirakadda ganacsi oo la yidhaa BEC macaamiisha isticmaala Korantada Berbera qiyaas ahaan waxay marayaan hadda 5800, waxay isgu jiraan Guryo qoys, Meherado iyo gancsiyo waaweyn waxaan ka soo xerooda macaash badan. Magaaladu way sii fidaysaa waxaan kusoo kordhay xaafado cusub dabka shirkaddu bixisaa maaha mid wada gaadha magaalada maadaama uu bakhbakhtiyo.
Muwaadiniintu waxay xaq dastuuriya ugu leeyihiin Xumadda in ay gaadhsiiso adeegyada aasaasiga ah, Korantada, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada. Shacabka reer Berbera waxay xaq ugu leeyihiin Laydh jaban oo ay ku noolaadaan magaaladana ku nagaysa bulshada Xukuumadda cashuurta ka qaada.
Xilligan oo ah waqti Xagaa ah waxa la kordhiyay qiimihii lacagta 66% waa qiime aan la qaadi karin oo culays ku ah shacabka duruufaha nololeed la daalaa dhacaya, waxa waajib ah in la farageliyo korodhka qiimaha Korantada Berbera.
Xisbi ahaan waxaanu aaminsanahay
1. Si adeeg jaban oo wada gaadha bulshada loo helo waa in gacanta dawladda lagu soo celiyaa maamulka iyo gacan ku haynta shirkadda korantada Berbera
2. Berbera iyo magaalo xeebeedada kale lama duruuf aha deegaanada kale waxaanay u baahan yihiin Laydh jaban si loogu nagaado oo nololi uga suuragasho
3. Dhammaan Kaabadaha, xadhkaha iyo hantida Wershada waxa leh dawlada wana hanti shacab, waajibna waxa ah in uummadda la siiyo adeeg jaban oo tayo leh
Waxa Qoray Maxamed Sidiiq Cabdillahi Dhamme

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews