berberatoday.com
Sicir-bararka Turkiga Oo Gaadhay Meeshii Ugu Sareysay
June 4, 2022 - Written by admin
Recep Tayyip Erdogan

Ankara(Berberatoday.com)-Sicir-bararka dalka Turkiga, ayaa bishii May gaadhay 73.5% oo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 24-sano ah, kaas oo ay sabab u tahay dagaalka ka socda Ukraine oo kor u qaaday qiimaha tamarta iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Liraha, in kasta oo markii horeba dhaqaaleyannadu saadaaliyeen sare u kacan.

Sicir-bararka, ayaa kor u kacay tan iyo dayrtii hore, markaas oo lacagta Liraha ay hoos u dhacday kadib markii bangiga dhexe uu bilaabay isbedel lagu fududeynayo heerka dulsaarka oo gaadhayay 500 oo uu codsaday Madaxweyne Tayyip Erdogan.

Tirada ugu dambeysay, ayaa kor u dhaaftay 73.2%, waana kii ugu sarreeyay tan iyo bishii Oktoobar 1998-kii, markaas oo sicir-bararka sannadlaha ahi ahaa 76.6%, waxaana Turkigu la halgamayay sidii loo soo afjari lahaa toban sano oo sicir-barar ah.

Si kastaba ha ahaatee, saadaasha la isku raacsan yahay ayaa ahayd in sicir bararka sanadlaha ah uu kor u kaco ilaa 76.55%.

Qiimaha raashinka iyo gaadiidka, ayaa kor u kacay 108% iyo 92% sannadkii la soo dhaafay, taas oo muujinaysa dhibaatada dhaqaale ee sii xumaanaysa ee dadka Turkiga ah ee la halgamaya inay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga ah.

Dowladdu waxay hore u sheegtay in sicir-bararku uu hoos u dhici doono sanadka soo socda iyada oo la raacayo barnaamijkeeda dhaqaale ee cusub – iyada oo mudnaanta siinaysa heerka dulsaarka hooseeya, si kor loogu qaado wax soo saarka iyo dhoofinta.

Reuters.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews