Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shirka Isreal Iyo Dalalka Afrika
June 9, 2022 - Written by admin
Paris(Berberatoday.com)-Wargeyska Times Of Isreal, ayaa baahiyey War ku saabsan kulan Isreal muhiim u ah, kaasi oo ujeeddada looga dan lahaa ahayd in dib loo soo nooleeyo xidhiidhka Isreal iyo Dalalka Afrika.
Shirkan oo ka dhacay Magaalada Paris isla-markaana ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Isreal ee Magaalada Paris, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka ka socday dalalka Afrika, sida Mali oo aan aqoonsanayn Dawladnimada Isreal, Morocco iyo Somaliland.