berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Insaanku Madaxa-bannaan Ee Somaliland Waxay Cambaraynaysaa Xadhiga Jidhdilka, Iyo Dhaawaca Dowladda Somaliland Ugeysatay Dadkii Bannaan Baxa Salmiga Ah Isugusoo Baxay 9/6/2022.
June 11, 2022 - Written by admin

Warsaxaafadeed                                             11/06/ 2022 

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku madaxa-bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysaa xadhiga jidhdilka, iyo dhaawaca dowladda Somaliland u geysatay dadkii bannaan baxa salmiga ah isugusoo baxay 9/6/2022.

 

Xarunta xuquuqal Insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland waxay sixoogan u cambaaraynaysaa xadhiga, dhaawaca iyo jidhdilka dowladda Somaliland ugeysatey xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dadweynihii mudaharaadka ka qaybqaadanayey 9/6/2022.

Dadka xadhiga iyo dhaawaca loo gaystey waxa kamid ah xildhibaano xasaanad leh. Waxa sidoo kale iyana laxidhay weriyaal ka howl gala warbaahinta madaxa- bannaan ee Somaliland.

Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah sida uu damaanad qaadayo dastuurka Somaliland, qodobka 32 (2) ee dastuurku waxa uu dhigayaa “muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.”

Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay sida ay xukuumadda Somaliland uga falcelisay iyo talaabadii ay qaaday oo ahayd mid baalmarsan dastuurka dalka. Xaruntu waxay werwer weyn ka qabtaa cabudhinta, iyo culayska ay muwaadiniintu xukuumadda Somaliland kala kulmaan markasta oo ay damcaan inay mudaharaad ama isusoobaxyo sameeyaan.

Waxa kale oo wax aad looga xumaado ah in intii mudaharaadku socday uu goob fagaare ah sarkaal dowladeed oo ah taliye kuxigeenka ciidamada RRU, laguna magacaabo Khadar Maxamuud Cabdilaahi Ibraahim, jidhdil ugu geystey Nimco Maxamed, oo ka mid ahayd dadkii mudaharaadayey. Waxa reeban in awood ciidan loo isticmaalo dad shacab ah oo aan hubaysnayn.

Xukuumadda Somaliland waxa waajib ka saaranyahay inay baadhitaan madax -bannaan ku samayso  sharcigana  horkeento sarkaalkaas jidhdilka geystay.

 Ugu danbayn xaruntu waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqaysa inay xoriyadooda si dhakhso ah ugu soo celiso dhamaan dadkii mudaharaadka loo xidhxidhay isla markaana sharciga la horkeento sarkaalka ciidan ee jidhdilka geystay, joojisana cabudhinta oo ay xaqdhowrto xuquuqda muwaadiniinta.

 

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyahay Xarunta Xuquuqal Insaanka

 Press Release                                                11/06/ 2022 

 

PROTEST PRESS RELEASE

 

“We who engage in nonviolent direct action are not the creators of tension. We merely bring to the surface the hidden tension that is already alive.” Martin Luther King, Jr.

On  June 9th, 2022, there was a clash between government officials and demonstrators from the opposition party and civilians in Hargeisa. Somaliland authorities created an unprecedented action that transgressed against democracy and human rights. It is unfortunate that a fundamental right enshrined in the constitution of Somaliland has been ignored and trampled on by the police and officials.

 Excessive use of force by police on protestors, gunshot wounds on members of parliament, arbitrary arrests of members of parliament, and an unwarranted beating of a civilian, Nimco Mohammed, by the deputy commander of the Birmad section of the Somaliland police force, Khadar Mohamoud Abdillahi Ibrahim. We request an investigation on the reason for the brutal act by such a high ranking official in the police force to ensure accountability has taken place and responsible party has been held accountable for this action.

Apart from the brutal acts committed by police officers, a journalist, Hamza Geele, has been arrested and detained while covering the demonstration.  The Human Rights Centre would like to reiterate our stance of state violence against citizens. We condemn all forms of violence against citizens and are urging Somaliland officials to exercise caution and recognize their duty is to protect and serve the citizens of Somaliland. Their priority should be the safety and security of citizens, rather than quelching demonstrations and protests, which they have a right to exercise as it is protected and guaranteed by the constitution. We are saddened that such brutal acts occurred on behalf of the police.

As such events might occur, we would like to remind Somaliland government, officials, and police to end the unlawful use of force against the demonstrators and prevent further violence at such activities, by de-escalating the situation rather than being involved in inciting violence against citizens.

The Human Rights Center will be keeping an eye on the situation in the country and condemn any further violence and report on our findings. We are hopeful that a solution will be found between the opposition parties and the government.

Yasmin Omar H. Mohamoud

Chairperson of the Human Rights Center

Hargeisa Somaliland

hrcsomaliland@gmail.com

Twitter: @hrcsomaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews