Tayeynta Awoodda Wax-soosaarka Iyo Maamulka Kalluunka Somaliland Oo Qorshe Loo Sameynayo
June 15, 2022 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Somaliland waxa ay leedahay xeeb dheer oo gaadhaysa illaa 850 km. Biyahani waxa ay hoy u yihiin noocyo badan oo kaladuwan oo kalluun ah, laakiin kalluumaysatada Somaliland waxa ay soo qabtaan kalluun aad u tiro yar oo qiyaas ahaan kayar 5% xaddiga keydka kalluunka kujira badda. Beryihii hore dadka ku dhaqan Somaliland waxa ay kalluunka ka doorbidi jireen hilibka xoolaha, laakiin beryahan dambe waxaa kor u kacay isticmaalka kalluunka iyada oo ay sababtu tahay laba arrimood;
• Hilibka xoolaha oo aad qaali uga ah maagaalooyinka
• Iyo dadka oo hadda fahmay faa’iidooyinka caafimaad ee kujira cunista kalluunka
Si kor loogu qaado wax-soosaarka kalluunka, loo abuuro shaqooyin, loona horumariyo xaaladda nololeed ee dadka, Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxa uu ka taageeray Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, hirgelinta Mashruuca Dib u Dhiska Dekedda Maydh; Tayeynta awoodda wax-soosaarka iyo Maamulka Kalluunka.
Mashruucan waxaa looga danleeyahay sidii kor loogu qaadilahaa wax-soosaarka kalluunka iyada oo la horumarinayo kaabayaasha muhiimka u ah iyo awoodda maamul ee Wasaraadda.
Mashruucu waxa uu gacan ka geystay yaraynta khasaaraha dhaca marka la soosaaro kalluunka isaga oo mashruucu dayactir iyo dib u dhisba ku sameeyay kaabayaasha waxsoosaarka iyo keydinta kalluunka si kor loogu qaado waxsoosarka iyo dakhliga kalluunka.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo lagu taageero dawladda Somaliland si ay u fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka. Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaa maalgelintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherland.
Wasaarada Horjmarint Qorsheynta Aya Warbixintan Soo Saartay