berberatoday.com
Waraysiga Jendayi Frazer Waxa Uu Markhaati Uyahay In Maraykanku Uu Doonayo In Somaliland Ay Noqoto Wadan Madaxbanaan,
June 18, 2022 - Written by admin

Michelle Gavin oo ka tirsan machadka Golaha Xidhiidhka Dibadda ama ( Council on Foreign Relations) ayaa ka qaaday waraysi aad u dheer Jendayi Frazer, oo ahayd Kalkaaliye u qaabilsan Maraykanka Arimaha Dibadda xukuumadii George Bush shalay oo taariikhda ay ahayd Khamiis, June 16,2022.

 

Waraysiga ka dib, ayaa Michelle Gavin, waxa ay waraysiga ku soo qortay Machadka Golaha Xidhiidhka.

Waraysiga waxa ay ku sheegtay Jendayi Frazer in Kenya, Itoobiya, Liberia iyo wadamo kale oo ku yaala Afrika ay taageersanaayeen in la aqoonsado madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, halka Uganda iyo Djibouti ay si adag uga horyimaadeen madaxbanaanida Somaliland.

Jendayi Frazer ayaa u sheegtay Michelle Gavin, oo waraysiga qaadaysay in qorshaha Maraykanka uu doonayay ay ahayd in wadamada Afrika ay hogaamiyaan Midoowga Afrika, kabacdina taageeraan madaxbanaanida Somaliland,kadibna Maraykanka uu u fidiyo taageero balaadhan, laakiin qorshahaas ayaan suuroobin.

Waxa kale oo ay sheegtay Jendayi Frazer in wadamo Afrikaan ah, aanayba kala jeclayn hadii Somaliland ay xoriyad hesho iyo hadii kale, wadamadaas laftoodana loo baahnaa in ay riixaan madaxbanaanida Somaliland.

Qorshahaas dhici waayay ayaa loo malaynayaa in uu sabab u ahaa madaxweynihii hore ee Libya, Colonel Qadafi, oo liddi ku ahaa madaxbanaanida Somaliland.

Jendayi Frazer ayaa u sheegtay Michelle Gavin, in aqoonsiga Somaliland ay weydiiyeen  dawlada Ingariiska, waxana Ingariiska ay u sheegeen Maraykanka in ay soo dhawaynayaan aqoonsiga Somaliland.

Waxa kale, oo Jenday Frazer ay ku sheegtay waraysiga in Maraykanka uu la socday dhaqdhaqaaqa Midoowga Afrika, sidoo kale uu Maraykanka si buuxda u filaayay in Midoowga Afrika ay hayeen wadadii ay ku aqoonsan lahaayeen Somaliland, iyada oo isla markaa Maraykanka uu u diray safiir Midoowga Afrika.

Wariyaha oo u muuqatay gabadh u janjeedha in Somaliland, ay noqoto wadan madaxbanaan ayaa weydiisay Jendayi Frazer, in ay la qabto in diiradda Maraykanka uu saaro rabitaanka shacabka Somaliland, iyada oo la ixtiraamayo rabitaanka shacabka.

Sarbeebta ay hadalkaas kaga jawaabtay Jendayi Frazer, ayaa ahayd sidan:

“:Hadii ay jirto dano- istiraatiijiyadeed oo Maraykanka uu ka doonayo Somaliland, waxa aan hadda kuu sheegayaa in si degdeg ah loo gaadhayo heshiis la isku raacsanyahay, heshiiskaas oo ka bilaabmaya gudaha dawlada Maraykanka”.

Sarbeebta Jendayi Frazer, sida ay u fahmeen aqoonyahano badan ayaa macnaheeda loo fasirtay sidan hoose:

” Maraykanka waxa uu ka leeyahay dano- istiraatiijiyadeed Somaliland, waxana dawladda Maraykanka u bilaabmaya heshiis ay ka gaadhaan sidii loo wajihi lahaa aqoonsi- lasiiyo Somaliland, maxaa yeelay waxa jira dano- siyaasadeed, marka ay jirto dan siyaasadeedna, wax kasta waxa ay u dhaqaaqaan si degdeg ah”.

Laakiin hadii qof kasta uu daneeyo arintan, taas waxa ay keenaysaa in arimuhu ay noqdaan gaabis, oo wax go’aan ah la qaadan waayo.Si xawliya ayaa ay arintan u socotaa”.

Waxa kale oo Jendayi Frazer ay u sheegtay Michelle Gavin in Midoowga Afrika uu u sheegay dawlada Maraykanka in ay ku gudajiraan eegista aqoonsiga Somaliland, Maraykankana ay eegayeen sida ay wax u qabtaan Midoowga Afrika.

Xiligaas ayaa waxa is badalay xukunka Maraykanka, waxa Madaxweyne noqday Barack Obama, waxana loo doortay Kalkaaliyaha Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka Johnnie Carson, kaas oo markiiba u sheegay Jendayi Frazer in xukuumada Barack Obama aanay aqoonsan doonin Somaliland.

Tibor Nagy oo ahaa Safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya, sidoo kalana ahaa Safiirka Maraykanka u jooga Muqdisho, ayaa warbixinta Jendayi Frazer, isaga oo ka faaloonaya sheegay in wakhtigan lagu jiro, ay suuragal u eegtahay in Maraykanka uu aqoonsi u fidiyo Somaliland, ayna tahay in aan mar labaad la lumin fursadan”.

Xigasho Ahmed Adam

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews