Somaliya Haweenay Markii Uhoreysay Kusime Madaxweyne Ka Noqotay Iyo Sababta
June 20, 2022 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa waxaa ay noqotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu safar debedda ah ugu kicitimay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Sacdiya, ayaa xilkan qabanaysa maadaama uu Soomaaliya ka maqan yahay Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.