Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorashooyinka Oo la Filayo In La Horkeeno Golaha Wakiilada Iyo Tirada La Saadaalinayo In Goluhu Soo Celiyo!
June 20, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadhiga Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland Ee maalinta ah ayaa la filayaa in la horkeeno 7xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub Kuwaasi oo loo qaadi doono codka kalsoonida ee in xubnaha Komishanka la ansixiyo iyo qaarkood lasoo celiya iyadoo loo Eegayo shuruudaha looga baahan yahay xubinta noqonaysa Komishaneer sida uu dhigayo sharcigu.

