Qaar Kamida Culimada Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaadeed Ee Dalka Ka Jira Iyo Arimo Kale Oo Xaasaasi Ah.
June 25, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar kamida culimada waa-weyn ee dalka, Iimaam-yada Masaajida iyo Maqaamyada, ayaa kulan balaadhan oo Alle Barri ah oo ay iskugu yimimaadeen magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay bulshada reer Somaliland Ilaahay uga baryeen inuu ka dulqaado, abaaraha baahsan ee dalka hadheeyey, quluubtoodana mideeyo oo uu khilaafaadka iyo wixii nabadgalyadooda iyo jiriraabkooda waxyeelaaya ka fogeeyo. Kulankan ayaa sidoo kale waxay kasoo saareen baaq culus oo ku saabsan guud ahaan xaalada cakiran ee dalka, gaar ahaana muranka iyo khilaafka siyaasadeed ee xisbiyada iyo xukuumada iyo sidoo kale sixir-bararka iyo abaaraha.