Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xilalkii Ka Qaaday Qaar Kamida Taliyayaasha Ciidamada Iskubedel Iyo Magacaabis Cusubna Sameeyay
June 29, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Muuse Biixi oo taliyayaal ciidan xilalkii ka qaadey
Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkii ka qaadey taliyihii ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin ( Dayib )
Sidoo kale madaxweynaha ayaa xilkii ka qaadey Taliyihii sirdoonka Somaliland Jeneraal Maxamed Saleeban Xaaji Xasaan ( Sababaale )
Madaweynaha ayaa magacaabey
1. Jeneraal Xiirane – Taliyaha Cusub ee ciidanka socdaalka
2. Jeneral Faysal Guhaad Cabdi Gahayr – Taliyaha Sirdoonka
3. Jeneral Hurre Haariye – Taliyaha ciidanka Badda.