“Kulmiye Iyo Xukumadiisu Haday Joojin Weydo Xayaysiinta Iyo Gacansaarka Ay Fagaarayaasha Ku Luuqeynayso Magacyada Ururada Qaarkood , Anaguna Mucaaradka Ayaanu Gacansaar La Yeelan Doonaa”Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Daljir Profesor Cabdi Cali Jaamac
June 30, 2022 - Written by admin
Ku: Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa
Waxa muuqata in aanay qarsan xukuumada iyo xisbigeedu soo kala dhawaysiga ururada; waxa loo fahmi karaa fariin ay u dirayaan guddiga diiwaangalinta! Haddii ay joojin waayaan Kulmiye iyo xukuumaddiisu xayaysiinta ay fagaarayaasha ku luuqaynayaan magacyada ururada qaarkood iyo gacan saarka ay xukuumaddu la wado ururada qaarkood, annaguna xisbiyada mucaaridka ah ayaanu la yeelan doonaa gacan saar
Waxaad Ogaataan in xukuumaddu gacanta ku hayso wixii inaga dhexeeyay, sharciguna ma ogola in xisbigeeda iyo mid kale toona ay ku badhitaarto awoodda dawladnimo ee ay midida daabkeeda hayaan!
Waxan u soo jeedin lahaa ururada in muddo kooban aynu siino in dhaqankaa ay ka wantoobaan, haddii kale gaashanbuuri waxay leedahay gaashaanbuur kale! Qaniinyo ayaa kaa fujisa qaniinyo.
Profesor Cabdi Cali Jaamac
Guddoomiyah ku meel gaadhka ah ee Daljir.