berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Hortiisa Lagu Dhaariyey Afar Xubnood Oo Ka Mida Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka.
July 4, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Afartii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ay dhawaan golaha wakiilladu ansixiyeen.
Ugu horrayn guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Axmed, ayaa afarta Xubnood ee Komishanka cusub ee doroashooyinka Qaranka mid mid gacanta u saaray kitaabka qur’aanka kariimka ah, kuna dhaariyey Inay hawsha doorashada u gudan doonaan si xilkasnimo iyo daacadnimo ah, dhexna u ahaan doonaan xisbiyada iyo murrashaxiintaba, sharciga iyo caddaaladdana ku sugnaan doonaan muddada ay hayaan xilka qaran ee maanta loo dhaariyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la dardaarmay xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka ee maanta la dhaariyey, waxana uu dareensiiyey culayska hawsha dummaddooda saaran tahay iyo waajibaadka qaran ee laga sugayo, isaga oo muujiyey sida uu ugu kalsoon yahay gudashada waajibka saaran.
Xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ee maanta madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyey oo tiradoodu dhan tahay Afar xubnood, ayaa dhawaan kasoo gudbay golaha wakiillada oo iyagu iska leh waajibka ugu dambeeya ee ansixinta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews