berberatoday.com
Ra,iisal Wasaaraha Dawlada Itoobiya Abiy Ahmed Oo Sheegay In Xasuuq Uu Kadhacay Gobolka Oromia
July 6, 2022 - Written by admin
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay inuu dhacay xasuuq ay fallaagadu ka gaysatay gobolka Oromia, halkaasi oo jabhadda dowladdiisa ka soo horjeedda lagu eedeeyo in ay beegsato dadka rayidka ah.

Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ma aanu sheegin tirada dadka la dilay, laakiin Ururka Amxaarada Mareykanka oo soo xiganaya ilo wareedyo maxalli ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP, in ay rumeysan yihiin in 150 ilaa 160 qof lagu dilay weerarradaasi.

Wakaaladda wararka AP, ayaan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso tirada dhimashada ee uu sheegay ururkan oo sheegay in dadka ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada la beegsaday, uuna dilku bilowday aroortii hore.

“Xubnaha kooxda Shene ee ka baxsanaya weerarrada ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa khatar ku haya muwaadiniinta ku nool galbeedka Wellega,” Abiy ayuu sidaasi ku yidhi qoraal uu Isniintii ku dabaacay bartiisa twitter-ka, isagoo intaa ku daray in ay socdaan hawlgallo lagu baacsanayo fallaagada. “Shacabka ku nool deegaanka Qellen Wellega ee gobolka Oromada waxaa lagula kacay gumaad,” ayuu yidhi.

Hadalka ka soo yeedhay ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa imanaya saddex toddobaad kadib markii boqolaal qof oo rayid ah oo ka soo jeeda qowmiyada Axmaarada lagu dilay isla gobolkaasi, weeraro lagu eedeeyay in uu gaystay ururka OLA oo ay dawladu u taqaano Shene.

Jabhadda, ayaa beenisay eedeyntaasi, waxayna taa beddelkeeda ku eedeysay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanku in ay weerrada ka dambeeyaan.

Xidhiidhka isgaadhsiinta ee deegaanka, ayaa la jaray ilaa duhurnimadii shalay.
Gumaadkan ayaa sii kordhinaya cadaadiska ku socda xukuumadda Abiy ee ah in ay wax badan ka qabato ilaalinta dadka rayidka ah iyadoo mowjado qalalaase qowmiyadeed ah ay weli ka sii socdaan dalkan oo ah kan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Weerarada lala beegsanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool guud ahaan Itoobiya, ayaa kordhay sannadihii u danbeeyay sababo la xidhiidha xiisadaha siyaasadeed, taariikheed iyo qowmiyadeed.

Qowmiyadda Axmaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu badan Itoobiya, balse lagaga tirada badan yahay gobollada kale, ayaa si isdaba joog ah loo beegsanayay.

Dad badan, ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay gobollada Benishangul Gumuz iyo Oromia saddexdii sano ee lasoo dhaafay oo kaliya. Bishii hore, goobjoogeyaal, ayaa u sheegay AP in in ka badan 400 oo qof oo rayid ah lagu dilay weerar 18-kii June lagu beegsaday qowmiyadda Axmaarada ee deggan deegaanka Tole ee gobolka Oromia.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews