“Dawladu Waxay Dawlad Utahay In Ay Dadka Diinta U Ilaaliso, Ugu Horayn, Hadiise Ay Diintii Baabiisay, Maxay Dawlad Ku Tahay Oo Ay Xajkii Carqaladayso” Sh. Maxamed Cabdi Carab.
July 10, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Maxamed Cabdi Carab oo kamid ah Culimada waawayn ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay sida Loo siyaasadeeyay xajkii sanadkan iyo go,aanka xukuumada Somaliland ku eedaysay xujaajtii reer Somaliland ee dalalka Jaarka Ah uga dhoofay tagista xajka.
