berberatoday.com
Orodyahan Mo Faarax Oo Ka Waramay Taariikhdiisa Dhabta Iyo Sida Uu Kusoo Galay Dalka Ingiriiska +Magaciisa Saxda Ah.
July 13, 2022 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Barnaamij nololeed ku saabsan taariikhda dhabta ah ee orodyahanka  afarta jeer ku guulaystay billada dahabka ee orodada Maxamed Faarax ayaa warbaahinta BBC-da uga waramay taariikhdiisa iyo sidii uu ku soo galay dalka UK, waxaanu sheegay sida uu ku yimid dalka Ingiriiska isagoo wiil yar ah.

 

Mo Faarax ayaa sheegay inuu ku dhashay Somaliland dalka Ingiriiskana ku soo galay Tahriib isagoo sagaal jir ah balse magaciisa saxda ahi yahay Xuseen Cabdi Kaahin, magaca uu sitana looga qaaday ilmo yar si lagu siiyo baasaaboor.

Barnaamij nololeedka taariikhda Mo  Faarah oo ay diyaarisay BBC One  oo la baahin doono maalinta Arbacada ah ee todobaadkan ayaa uu kaga warami doonaa waxyaabo badan oo si qoto dheer u qeexaya noloshiisa dhabta ah.

“ Waxaan  halis wayn galinayaa inaan noloshayda dhabta ah u sheego dunida, waa sir aan muddo qarinayey illaa yaraan tahaydii, ma ihi qofka aad u malaynayso” ayuu yidhi Mo Faarah. Waxaanu intaasi ku daray “ in kasta oo aan hore u sheegay waalidkay waligay kuma noolaan dalka Ingiriiska, markii aan afar jirsaday waa la dilay Aabahay dagaalo ka dhacay dalka, aniga iyo hooyadayna waan kala tagnay anna sifo sharci darro ah ayaa laygu keenay dalka UK, iyagoo magaca Ilmo yar la iga beddelay”

Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa sheegay in kadib geeridii Aabihii sannadkii 1987-kii hooyadii isaga iyo walaalkii Xasan u dirtay dalka Jabouti si ay adeerkood ula noolaadaan.

Sannadkii 2000, Sir Mo Faarax waxa uu dib ula midoobay qoyskiisa dhabta ah, ka dib markii uu bilaabay inuu ka hadlo telefiishanka, waxaana aqoonsaday xubno ka tirsan bulshada Soomaalida, kuwaas oo la xidhiidhay hooyadiis Caasha oo ku sugan dalka Somaliland.

 

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews