Somaliland Oo Ka Hadashay Iskaashi Toos Ah Ay Wada Yeelanayaan Dawlada Maraykanka.
July 15, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo dhowaysay Xeerka Difaaca Qaranka Maraykanka oo dhowaan Aqalka Congaraysku wax-ka-beddel ku sameeyey si loo waafajiyo xidhiidh difaac oo ah dhexmara dawladaha Washington iyo Hargeysa.
Warsaxaafadeed ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey wax-ka-beddelka Xeerka Difaaca Maraykanka oo Golaha Congress-ku ansixiyeen Khamiistii shalay.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u sacab-tumaysaa meel-marinta Golaha Wakiillada Maraykanka ku sameeyeen xeerka ogolaanaya in Wasaaradda Arrimaha Dibeddu samayso cilmi-baadhis iyo ka warbixin xidhiidh ammaan oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.