17 Xildhibaan Oo Katirsan Congres-ka Mareykanka Ay Kujirto Ilhan Cumar Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Marakay Sameeyeen Mudaharaad Sharcidaro Ah
July 20, 2022 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Waxaa shalay xabsiga loo taxaabay ilaa 17 xildhibaan oo ka tirsan aqalka sharci dajinta ee dalka maraykan, xildhibaanada la xidhxidhay waxaa ka mid ahaa ama ka dhex muuqatay Xildhibaan Ilhan Omar.
Xadhigan waxaa sababay mudaharaad sharci daro ah oo ay ka dhigeen gudaha wadanka maraykanka gaar ahaan magaalada Washtong DC, gaar ahaan agagaarka maxkamada sare ee dalka maraykan. muhadaraadkan waxaa samaynaayey dad ku dhaw ilaa aftartan qof oo ay ku jiraan xildhibaano.
Dadkan Mudaharaadka samaynaayey ayaa waxay ay xidheen jidwayn oo ku yaalay agagaarka maxkamada sare ee dalka maraykan, halkaasi oo ay hakad galiyeen gaadiidkii tirada badanaa ee halkaasi marayeey, waxay sidoo kale dadkani toos u soo abareen gudaha maxkamada sare ee dalka maraykan, arimahaasi oo ka dhigay falka mudaharaadka mid danbi ah maadama aan fasax loo haysan goobta mudaharaadka laga dhigay, isla markaasina ay ka dhago adaygeen dadkaasi digniintii laamaha amaanka ee wadanku siiyeen si ay meesha uga dareeraan.
Mudaharaadka ayaa salka ku haya dood adag oo ka tagnayd wadanka maraykan maalmihii ina soo dhaafay oo ku saabsan ”Gabadhu Xaq ma u leedahay in ilmaha caloosha ku jira iska soo rido?” doodan waxa kala wata labada xisbi ee ka jira dalka maraykan.
Xisbiga talada Haya dalkan maraykan ee loo yaqaan Dimoqoraadiga ayaa aaminsan in dumarku xaq u leeyihiin in ay ilmaha iska soo ridi karaan, halka xisbiga mucaaridka ah ee loo yaqaan repeblican-ku aaminsan yahay in aanay dumarku xaq u lahayn in ilmaha iska soo ridaan oo ay tahay arrin ku fool xun xaga caafimaadka, dadnimada iyo qiyamka wanaagsan
doodan ayaa keentay in laysla tiigsado maxakamada sare ee dalka maraykan si ay go,aan uga gaadho arinkaasi, oo ilaa imika dhagaysigiisu ka socdo maxkamada sare ee dalka maraykan.
Xildhibaan Ilhan Cumar, waxay safka hore kagaga jirtay dooda ah in dumarku xaq u leeyihiin in ay ilmaha iska soo ridi karaan, taasi oo ka hor imanaysa shareecda islamka iyo diinta muslimka ah ee ay haysato. adiga maxay kula tahay?