Dawlada Sucuudiga Oo Xidhay Qof Caawiyey Nin Aan Muslim Aheyn Oo Qarsoodi Ku Galay Makka
July 23, 2022 - Written by admin
Makka(Berberatoday.com)-Qof Sacuudiyaan ah oo la tuhunsan yahay inuu qof aan Muslim Aheyn ka caawiyey inuu galo magaalada Makka ayaa la xidhay, sida ay maanta sheegeen booliska boqortooyada.

Suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Gil Tamary, una shaqeeya taleefishinka Channel 13, ayaa Isniintii twitter-ka soo dhigay muuqaal uu iska duubay isaga oo si dhuumasho ah ku galaya magaalada barakeysan ee makah taasi oo jebineysa amarka dadka aan Muslimiinta aheyn looga mamnuucay.