Dawlada Canada Oo Qorsheynaysa Inay Dalkeeda Ka Mastaafuriso Dad Somaliya Iyo Sababta?
July 25, 2022 - Written by admin
Waxaa soo badanayaa tirada Soomalida dowladda Canada sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso sababo la xiriira xagga sharciga.
Qaar kamid ah dadkii ay go’aamisay dowladda Canada in dalka dib looga celiyo ayaa haatan sugayaa go’aanka kama dambeysta ah, waxay dowladda tallabaadaas uga laabtay markii Soomaalida ay sameeyeen isu soo baxyo ay uga soo horjeedaan in dadkaas aan lagu celin Soomaaliya.
Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto 77 qof.
Markii dalka Soomaliya uu burburay, waxaa qaxooti ku noqday dibadaha kumaanan kun Soomaali ah, dalalka Soomalida u frixatay waxaa ka mid ah, Canada, magaalooyin dhowr ah oo wadankaas ka mid ah ayey dageen, magaalada ugu badan oo soomalidu ka degan tahay Canada waxaa lagu sheegay in ay tahay Toronto, hase yeeshee waxey sidoo kale deggan yihiin Otawa iyo magaalooyinka kaleba.
Haddaba maxaa keenay in Soomaali badan laga soo tarxiilo Canada? Maxamed Doolli oo ah garyaqaan Soomaaliyeed oo in ka badan 25 sano ka hawl galayay magaalada toronto ee gobalka Ontario ayaa BBC u sheegay in qofka Soomaaliga ah ee lagu helo baasaboorka dal kale oo nabad ah isla markaana ku anddoocanayo in Soomaaliya uu ka yimid uu wajahi karo musaafurin maadama la xaqiijiyay in sharci dal kale oo aan Soomaaliya aheyn uu kusoo galay Canada.