berberatoday.com
Madaxwaynaha Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Oo ka Hadlay Wasiirkiisii Cadaalada Oo Qarax Lagu Dilay
July 30, 2022 - Written by admin

Baydhabo(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Wasiirkii Caddaaladda Koonfur Galbeed Marxuum Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo Maanta lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in Marxuum Lugbuur uu ahaa halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada reer Koonfur Galbeed, isaga oo si gaar ah u tilmaamay xilalkii kala duwana uu horay u soo qabtay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wasiir,aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa  dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa Door la taaban karo kulahaa Marxuum lugbuur” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Allah u naxariiste Marxuum Lugbuur ayaa noqonaya masuulkii labaad oo dagaalamayaasha Al-shabaab ay qarax ku dilaan, waxaana xusid mudan in maalin ka hor Al-shabaab qarax Ismiidaamin ah ku dileen guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Waafoow.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews