Wefti Ciidan Ubadan Oo Kasocday Dawlada Federaalka Itoobiya Oo Hargeysa Socdaal Kuyimi
August 3, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wafti culus oo ka socda Itoobiya oo uu hoogaminayo Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General Burhanu kabadha iyo sarakiil kale oo sare.

Madaarka Hargeysa waxa si heer sare ah waftigan ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.