Xukuumada Somaliland Oo Xisbiyada Mucaaradka Uga Digtay Mudaharaad Lagu Khal-khal Galiyo Amniga
August 4, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed la yeeshay madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo maamulka caasimada Hargaysa, ayuu wasiirku ku faray in ay ilaaliyaan guud ahaan nabadgalyada, isagoo sigaara uga digay mudaharaadada mucaaradku qorshaynayaan.