Qaramada Midoobay Oo Fariin Digniin Ah Udirtay Shaqaalahooda ku Sugan Caasimada Somaliland
August 5, 2022 - Written by admin
Qoraal ay soo saartay hay’adda amniga ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo UNDSS , ayaa lagu sheegay in ciidamada gaar u ah illaalinta xarumaha Qaramada Midoobay ee magacooda loo soo gaabiyo SPU loo qorsheeyay ka hor taga mudaharaadyada la filayo in ay dhacaan maalmaha soo socdo , waxaana ciidan dheeraad ah lagu daad gureeyay gudaha magaalada Hargeysa si ay uga hortagaan mudaharaadka .
Waxa ay arrintan keentay in ay yaraadaan ciidankii ilaalin jiray xarumaha Qaramada Midoobay , iyada oo la tixgelinayo xaaladda iyo ciidamada ilaalin jiray xarumaha Qaramada Midoobay ee la yareeyay wada tashina lala sameeyay xafiiska amniga Qaramada Midoobay ee Hargeysa , waxa la badelay habkii loo shaqayn jiray , iyada oo shaqaaluhu ay bilaabeen 3 bishan August in ay guryaha ku shaqeeyaan illaa ogeysiis dambe soo baxayo .