berberatoday.com
Itoobiya Oo Wadamada Reer Galbeedka Ku Eedeysay Inay Raalli-gelinayaan Mucaaradka Tigray
August 6, 2022 - Written by admin

Dowladda Itoobiya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay ergadii iyo diblumaasiyiintii reer Galbeedka ee dhawaan gaaray magaalada Maqalle, caasimadda gobolka waqooyi ee Tigray ee ay dagaalladu ka dhaceen.

Dowladda ayaa caro ka muujisay qaabka reer Galbeedka ay u maarreeyeen wadahadal lala yeesho hoggaamiyeyaasha Tigray, si loo soo afjaro colaaddii muddo laba sano ah ka jirtay waqooyiga dalka Itoobiya.

La taliyaha amniga qaranka ee ra’iisal wasaaraha dalkaasi, danjiire Ridwaan Xuseen, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in dowladda federaalka ay beesha caalamka u caddeysay qaabka danjiirayaashaasi gaarka ah iyo diblumaasiyiinta ay u maareeeyeen arrintaasi.

Danjire Ridwaan ayaa wafdigaasi ku eedeeyay inay diiradda saareen xaaladda TPLF halkii laga doonayay inay xoogga saaraan wadahadalada nabadeed.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber, dhiggeeda Mareykanka, Mike Hammer, iyo safiirro kale oo ka socda dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa horraantii toddobaadkan booqday gobolkaasi, waxayna halkaasi kula kulmeen saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Debretsion Gebremichael, hoggaamiyaha TPLF ee Tigray.

Bayaan wadajir ah oo ay ka soo saareen socdaalkooda, ayaa danjiirayaashaasi waxay ku baaqeen in Tigray ay u baahantahay adeegyada asaasiga ah, sida bangiyo, koronto iyo isgaarsiin.

La taliyaha amniga qaranka ee raii’sal wasaaraha dalkaasi, Ridwaan, ayaa sheegay inay tahay inay billowdaan wadahadallo.

Dhanka kale, bayaan ay Khamiistii soo saareen ciidamada Tigray, ayaa waxay ku eedeeyeen guddiga caalamiga ah ee khubarrada xuquuqul insaanka ee Itoobiya, oo ah hay’ad baaritaan oo ay aasaastay Qaramada Midoobay, “in ay si ula kac ah isaga dhaga tirtay macluumaad muhiim u ah” gobolka.

Xubnaha guddiga, kuwaas oo la filayo in ay soo baaraan eedeymaha ku saabsan gabood-fallada intii uu socday dagaalkii u dhaxeyay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray, ayaa safarkoodii ugu horreeyay ku tagay Addis Ababa dhammaadkii bishii hore, balse ma aysan tegin gobolka Tigray.

Guddiga ayaa ugu baaqay shaqsiyaadka iyo ururrada inay soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan dembiyada lagu soo eedeeyay, iyadoo waqtiga kama dambays ah uu ku ekyahay bisha Agoosto.

Itoobiya

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Laakiin iyadoo inta badan Tigrayga laga jaray internetka, waxaa jira walaac laga qabo in kuwa gobolka jooga caddeymo macquul ah aysan awoodin inay la wadaagaan baarayaashaasi.

Labada dhinac ee xukuumadda iyo kooxda TPLF ayaa diyaar u ah in ay ka wada xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalladii sokeeye ee billowday dhammaadkii bishii October ee sanadkii hore, balse labada dhinac ayaan weli u kulmin si fool ka fool ah.

Ciidamada Tigreega ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka wada xaajoodka ay la galayaan madaxda dowladda Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya.

Getachew Reda oo ah hoggaamiyaha sare ee kooxda TPLF ayaa shaaca ka qaaday in la diyaariyay wafdi heer sare ah oo matalayay ciidamada Tigray-ga oo diyaar u ah in loo diro wada xaajoodka.

Xigasho BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews