berberatoday.com
Sucuudiga: Taariikhda Rasuulka SCW Oo Bandhig Loo Samaynayo
August 7, 2022 - Written by admin

Riyadh(Berberatoday.com)-Madxafka Sucuudiga, ayaa isticmaalaya muuqaallo laga sameeyay farshaxameyn casri ah oo lagu sawirayo dhacdo muhiim ah oo ka mid ah noloshii Nebi Maxamed (NNKH) oo horseedday aasaaska bulshada Muslimiinta.

Bandhigga waxaa lagu doonayaa in lagu tusaaleeyo dibna loogu soo nooleeyo taariikhda Hijriyada ee jirsatay in ka badan 1,400 oo sanno oo ka soo billaabatay maalintii uu Rasuulka uu ka haajiray magaalada Makah una haajiray Madiina kaddib markii loogu hanjabay in la dilayo.

Safarkaasi Hijrada oo 400 km ahaa ayaa qaatay 8 maalin.

Bandhiggaasi muuqaalladaasi taariikhda Hijriyada laga sameeyey ayaa toddobaadkan shacabka loo furay, iyada oo bandhiggan uu 9 bilood ka soconayo bandhigga Ithra oo ku yaalla magaalada Bariga dalkaasi ku taalla ee Dhahran ka hor inta aan gobollada kale iyo dibaddaba loo sii gudbin.

Caalimka reer Sacuudi Cabdullaahi Xuseen Alkadi wuxuu sheegay taariikhda Hijriyada inay Muslimiinta si qoto dheer u yaqaannaann, wallow aan weligeed sidan oo kale loo soo bandhigin.

“Waxa ay ka kooban tahay wax kasta oo laga soo billaabo farshaxanno qarniyo jiray iyo muuqaallada casriga ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” ayuu yidhi Alkadi, oo tobannaan sano ku qaatay daraasadda taariikhda Hijriyada, bandhiggana aasaaska u ahayd“Dadka caadiga ah ee Sucuudiga u dhashay taariikhda Hijriyada Rasuulka (NNKH) wey yaqaanniin, balse si waafi ah dugsiyada waxbarashada loogama dhigo,” ayuu yidhi Alkadi.  

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews