berberatoday.com
“Baasaboorka Jamhuuriyada Somaliland Oo Maanta Wax Weyn Ii Taray Waxa Qoray Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
August 12, 2022 - Written by admin
Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa qoray,
“Baasaboorka Jamhuuriyada Somaliland oo maanta wax weyn ii taray.
Asalaamu Calaykum
Saaka ayaan hawlo shaqo oo ii gaar ah aan ku soo gaadhsy magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.
Markii aan tagay Xafiiska Fiiso bixinta ee Madaarka Addis ababa ee aan Baasaboorkaygii Britishka ahaa u dhiibay ayuu sarkaalkii Xafiiska fadhiyay si qaab daran iigu soo taagay Baasaboorkii oo uu yidhi Fiiso kuugu dhufan mayno oo online inaad ku dalbato ayay ahayd.
Waxaan ku idhi weligayba Madaarka ayaan fiisaha ka qaadan jiree sidee wax u jiraan? Wuxuu igu yidhi Afrikaanka oo keliya ayaanu Madaarka ka siinaa imika, dadka kale online ayay ku dalbadaan.
Aniga oo jikaaraya ayaan ku idhi oo miyaanan Afrikaan ahayn anigu, wuxuu yidhi waad tahaye Baasaboorkaaga ayaa British ah.
Markiiba waxaa maskaxdayda ku soo dhacay inuu shandada iigu jiray Baasaboorkaygii diplomaasiga ahaa ee Somaliland oo aan usoo qaaday si aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ugu celiyo maadaama aanan imika Wasaaradda ka tirsanayn.
Intaan soo saaray Baasaboorkii ayaan ku idhi waar Somalilander ayaan ahay, waa kan Baasaboorkaygii. Intuu iga qaaday oo uu si diirran ii salaamay shaambadiina ku dhuftay ayuu yidhi soo dhawoow saaxiib.
Qiimaha uu Baasaboorkeenu leeyahay iyo sharafta loo hayo waa mid aan dad badani ogayn.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews