Salmaan Rushdi Oo Wiil Islaami Ku Weeraray Midi Dhaawac Culusna Gaadhsiiyay
August 13, 2022 - Written by admin
Booliska gobolka New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Haadi Matar oo ah 24 jir lagu eedeeyay inuu toori la dhacay qoraa Salmaan Rushdi.
Inkastoo uu Salmaan ka badbaaday hanjabaado hore, ayaa haddana buuggaas dartii waxaa loo dilay tarjumaan Japan u dhashay oo toori nafta looga jaray, halka dhaawac xooggan uu soo gaaray muwaadin Norway u dhashay oo daabacay buugga.