Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka Socday Dawladda Maraykanka.
August 14, 2022 - Written by admin
Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen la taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Danjiraha Somaliland u qaabilsan Maraykanka Amb Bashiir Good iyo Naasir Maxamed Cali Agaasimaha Mac’hadka Barashada Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafti uu hoggaaminayay Mr Tipor Nagy Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika oo ay wehelinayeen Danjire J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa dalal kamid ah Galbeedka Qaarada Afrika, Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William Kip Ward iyo Mr Joshua Meservey oo ka socday Hay’adda Heritage Foundation.