berberatoday.com
Waa Kuma Madaxweynaha Cusub Ee Kenya William Samoei Ruto
August 15, 2022 - Written by admin
William Samoei Ruto
William Samoei Ruto

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya. Wuxuu helay boqolkiiba 50.4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu ka adkaaday Raila odinga oo helay boqolkiiba 48.8%.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya.

Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in ‘dhammaan awoodda madaxbanaani waxay u sugnaatay shacabka Kenya’ isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa.

Haddaba waa kuma William Ruto?

Wuxuu sanadkii 1966-dii ku dhashay deegaanka Sugoi oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Ruto wuxuu kusoo koray nolol adag xitaa wuxuu iskuulka aadi jiray isaga oo kaba la’aan ah. Kab uu lugtiisageliyana waxaa ugu horreysay da’da 15.

Wuxuu waddooyinka deegaan miyi ah oo ku yaalla Rift Valley ku iibin jiray digaagta iyo lowska, Ruto wuxuu mar kasta sheegaa in uu yahay nin nolosha meel hoose kasoo billaabay.

Ruto wuxuu halqabsi ka dhigtay “nin xoogsata ah”, isagoo sheegay in uu la dagaallamayo waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Kenya sida – Kenyatta iyo Odinga – oo doonaya inay xukunka u sii hayaan.

Wuxuu siyaasadda Kenya kusoo biiray sanadkii 1992, wuxuu sheegay in macalinkiisa siyaasadda uu ahaa Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Mr Ruto wuxuu xubin firfircoon ka ahaa garabkii dhallinyarada xisbigii Kanu ee Moi, wuxuu sidoo kale kamid ahaa dadkii loo xil saaray ololihii loogu codeynayay in Kenya ay axsaab badan yeelato sanadkii 1992.

Waa nin aftahan oo awood leh kaas oo si weyn usoo jiita quluubta dadka ka qeybgala isu soo baxyadiisa siyaasadda, waxaana lagu tilmaamaa inuu si wanaagsan ayuu hadallada usoo gudbiya marka uu wareysi siinayo warbaahinta.

Wuxuu sanadkii 1990 shahaadada koowaad ee culuumta seyniska ka qaatay jaamacadda Nairobi, wuxuu markii dambe shahaadada labaad iyo midda PHD ka qaatay isla jaamacadda Nairobi.

Waxaa sanadkii 1997 loo soo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, waxaa laga soo doortay Waqooyiga Eldoret, xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladda Kenya, waxaana ugu muhimsanaa in mar noqday wasiirkii waxbarashada iyo wasiirka tacliinta sare.

Ruto xilliggii uu ku gudo jiray ololahiisa doorashada
Ruto xilliggii uu ku gudo jiray ololahiisa doorashada

Ruto wuxuu durbaba ug gudbay jagada Madaxweyne ku xigeenka Kenya sanadkii 2013-kii, muddo 10 sano ah ayuu madaxweyne ku xigeen ahaa.

Ruto wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii hor tagay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib markii lagu eedeeyay in uu huriyay rabshadihii ka dhashay sanadkii 2007 oo ay ku dhinteen 1,200 qof, Ruto oo eedeymihaas oo iska fogeeyay, maxkamadda ayaa markii dambe wax dambi ah ku waaysay Ruto.

Mar wuxuu taageeray in la xiro xeryaha qaxootiga?

Dhadhaab ayaa waxa ku nool nus malyuun qof oo u badan qaxooti Soomaali ah

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Dhadhaab ayaa waxa ku nool nus malyuun qof oo u badan qaxooti Soomaali ah

William Ruto wuxuu sanadkii 2016 ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageerto go’aankii ay Kenya ku dooneysay inay albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ruto oo xilliggaas ka hadlayay shir arrimaha banii’aadanimada oo ka dhacay Turkiga ayaa xilliggaas ka codsaday beesha caalamka inay bixiyaan dhaqaalaha dib u dejinta loogu sameynayay qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii hore sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha Juun ee 2022-ka.

Ruto: “Waa mas’uuliyad darro in aan kasoo baxno Soomaaliya

William Ruto wuxuu hadda ka hor sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya aysan kasoo bixin halkaas tan iyo Soomaaliya ay nabad ka noqoneyso.

Wareysii uu siiyay BBC-da sanadkii 2019 wuxuu ku sheegay in Kenya ay shaqeyneyso sidii lagu xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga Soomaaliya.

“Waxaan mas’uuliyad naga saaran anaga oo la shaqeyneyna dalalka kale ka shaqeynta dadaallada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay amni noqoto” ayuu yiri Ruto.

Ruto wuxuu xilliggaas yiri, “Waa mas’uuliyad darro in aan kasoo baxno Soomaaliya” si looga hortagga halist amni darrada ah.

Xigasho BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews