berberatoday.com
Maxaad ka Ogtahay Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Afakaadhadda
August 16, 2022 - Written by admin
Maxaad ka Ogtahay Faa'iidooyinka caafimaad ee Afakaadhadda
Maxaad ka Ogtahay Faa’iidooyinka caafimaad ee Afakaadhadda (Avocado)?
Afka Soomaaliga waxaa looyiqaan Afakaadho oo ah kelmad af ingiriisi ah, halka luuqada carabidana loogu yeedho (أفوكادو). Bahda cilmiga Saynisku waxay u yiqaanaan “Persea americana” Asal ahaan geedkani wuxuu kasoo jeeddaa dalalka Magsiko iyo badhtamaha Ameerika, isagoo ka tirsan dhirta ubaxleyda ah nooca loo yiqaanno(Laurakeae).
Guud ahaan midhaha Afakaadhada waa mid leh nafaqo badan oo jidhka aad ugu baahan yahay waxaa midhaha Afakaadhadu caan ku tahay duxa aan lahayn mid loo yiqaanno (Pro-saturated fats). Dalka Mareekanka, gaar ahaan gobolka Kalifoorniya waxaa laga soo saaraa afakaadho aad u badan, waxaana kuyaala ilaa shan kun oo beerood kuwaas oo soo saara ilaa 400 milyan oo rodol oo afakaadho ah sannad kasta. Afakaadhada waxa laga helaa Faytamiino, Fayber, Booratiino iyo Dux.
80g oo Afakaadho ah ayaa ka kooban:
————————————————————-
✔152 Kcal / 627KJ✔5g borotiin
✔6g dux✔5g carbohydrates
✔6g fiber✔360mg potassium
✔56mg fiitamiin E
Faa’iidooyinka caafimaad ee Geedka Afakaadhadda(Avocado)
===============================
1). Waxa loo isticmaalaa daawaynta dhagxaanta kelyaha.
2). Waxay ka caawisaa inay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga
.3). Waxay caawisaa dhimista gariirka ka yimaada qalalka.
4). Waxay wanaajisaa caafimaadka dheefshiidka.
5). Waxay caawisaa daawaynta calaamadaha neefta sababtoo ah waxa ku jira pinene oo furta marinka hawada
6). Waxay qani ku tahay in jidhka ka saarto sunta.
7). Waxay ka hortagtaa xanuunka kansarka
😎. Waxay ka caawisaa jirrada dumarka ee subaxii(moring sickness)
9). Waxa ay hoos u dhigi kartaa Heerarka Kolestaroolka iyo Triglyceridej jidhka.
10). Waxa laga yaabaa inay ka caawiso yaraynta calaamadaha xunuunka is-goosyada (Arthritis)
Fiiro gaar ah: Dadka qaadanaaya dawooyinka dhiigga Xinjireeya waa in ay dhakhtarada kala tashadaan inta aanay isticmaalin afakaadhada, waayo taasi waxay sababi kartaa dhibaato xagga xinjirowga dhiiga ah.
والعلم عند الله.
Qore: Abdirashiid Mohamed kaahin Dr-Dalab.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews